War-murtiyeed ka soo baxay shirkii saxiixayaashii Roadmapka uga socday Nairobi

August 6, 2012 - Written by

Nairobi:-Shirkii magaalada Nairobi ugu socdey shan ka mid ah saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa dhawaan waxaa laga soo saaray warmurti yeed sheegay in la isku afgartay arrimo khilaaf ka taagnaa qaabka loo soo xulayo xilibaanada gaar ahaan xilibaanada ka soo jeeda beesha Dhulbahante.

War-saxaafeedka ayaa waxaa la sheegay in la isku afkartay in mudanayaasha baarlamaanka ee ee ka soo jeeda beesha Dhulbahanta ay soo xulaan odayaasha dhaqanka  ee ku kala sugan magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho , wararka  hordhac ah ee soo baxaya ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee beesha dhulbahante ee ku sugan Muqdisho ay soo xulaan ilaa 5 xilibaan halka odayaasha dhaqanka Garoowena ay soo xulaan ilaa 3 xilibaan.

Shirkani ayaa magaalada Nairobi ka socdey labo maalmood xili shalay ay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed uu ka baxay shirkii saxiixayaasha RoadMapka iyagoo u duulay magaalada Muqdisho,  War murtiyeedkaan ayaa ku soo beegmaya xalay odaasha dhaqanka ee Dhulbahante ay eed u jeediyeen madaxda Soomaalida  ee shirka uga socday magaalada Nairobi iyagoo ku eedee yey in ay gacan togaalinayaan qaabkii ay odayaasha u soo xuli lahaayeen xilibaanada beesha Dhulbahante.

C/casiis Maxamed
NairobiHalgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online