Xanuun xagga maskaxda ah oo ay qarka u saaran yihiin dadka ku deg-dega gaaleysiinta Muslimiinta.

August 7, 2012 - Written by

Nairobi:-Sida dad badani la socdaan, waxaa waayadan arrimaha Soomaaliya, ku soo biiray is-gaaleysiinta, iyadoona dhaqan ayba u noqotay (dadka qaarkiis) inay si fudud Gaalnimo ugu xukmiyaan qof ama dad la imaanayaa dhamaan waxyaabihii Islaamnimadu amreysay, ama Muslimiinta lagu waajib yeelay. Inta badan rididda xukunkaas aadka u culus, waxaa uu ka soo fulayaa dad aan caqli, cilmi iyo khibrad ahaan u bisleyn, balse waxa kaliya ee ay cuskanayaan ay tahay inay is hayaan, ama ka soo horjeedaan cidda ay xukunkaas dul dhigayaan.

Waxaa intaas dheer, dadka axkaamtaas culus ridaya, wax badan kama oga natiijada ka dhalaneysa xukunka ay ka qaadanayaan dadka ay iska soo horjeedaan, waxaana hubaal ah in haddii ay natiijada ku baraarugsanaan lahaayeen ayan sidaas u deg-degeen, walow kuwo kale ay kas u yeelayaan amuurtaas. Haddaba dadka lagu ibtileeyey ku deg-degidda gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah, ayaa waxa soo wajaha arrimo marka dambe keena in qofku caafimaad ahaan u dhaawacmo, gaar ahaan xagga dhimirka, waxaana ka mid ah:

1- Isagoo bulshada ka go’a.

2- Isagoo mar walba xanaaqsan.

3- Isagoo marka uu  kaliyooba hoos iskala sheekeysta.

4- Qofka oo arimaha uu aaminsan yahay aan taageero uga heleyn bulshada uu ku dhex noolyahay.

5- Isagoo xukunka uu la deg-degayo ay soo hoos galayaan, dad badan oo uusan ku dhiirran karin, sida waaliddiintiis, walaalihiis iyo dad kale oo uu jecel yahay.

6- Arimahaas iyo kuwo kale oo ka badan oo su”aalo badan ku furaya maskaxda qofkaas, kuwaasoo uusan u heli karin jawaabo uu ku qanco inta aan cid kaleba la gaarin.

Haddaba amuurahaasi, ayaa qofka ku keena inuu marka dambe noqdo qof maskaxdiisu dhaawacanto, gudihiisana uu ka shidmo dab, sida uu ku damo ay adagtahay, marka dambena la arko qofkii oo ka sii daaya noloshana ka dhaca.

Arrimahani, ayaa ah kuwo qofkii u kuurgala uu arkayo, dhalinyaro badanna ay qarka u saaran yihiin inay maskaxdooda qaaliga ah ay u soo jeedaan dhibaato, qaar ka mid ah dadka amuurtaasi ku aafeysanna waa la arkay iyagoo nolosha ka dhacay, halka looga yimidna ay tahay, inay Maskaxdooda saareen matoor ayan xamili karin.

Ugu dambeyntii: ka hor tagga ayaa ka wanaagsan daaweynta, haddii ay sidaasi tahayna waxaa lama huraan ah in qofku diintiisa iyo naftiisa u turo, intii uu ku dhex dhici lahaa bad-weyn cid ka soo saari karta ayan jirin.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc….. Walaalayaal waad ku mahad santihii waanada laakiin kuwa gaalada soo raaca gaal murtad lama dhihi karo miyaa dadkase caamadaa waxay sheegaan wixii ay culimada kamaq laan

Leave a comment

*