Xarunta Beder oo soo Gabo gabaysay Tababar afar maalmood socday

August 6, 2012 - Written by

Garoowe:-Kobcinta hal abuurnimada maamul iyo hogaamineed ee hay’adaha waxbarasho Machadka Beder ee cilmibaadhista iyo horumarinta ayaa soo gabogabeeyey tababar uu u qabtay ilaa 28 aqoonyahan oo ka socday qaybaha waxbarasho ee somaliland, wasaaradda waxbarashada jaamacadaha, iskuulada iyo xubno kale oo daneynayey waxbarashada iyo hormoodnimada maamul.

Tabobarkan oo loogu magac darey administrative Innovation and leadership educational supervison ujeedada aqoon iswaydaarsigan oo ahayd sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada, loona toosin lahaa tarbiyadda da’yarta, korna loogu qaadi lahaa xirfadda iyo aqoonta maamul ee hawl wadeenada waxbarashada, ayaa ka socday Hotelka SABA ee magaaladda hargeysa muddo afar maalmood ah, iyadoo habeenimadii xalay lagu soo gabogabeeyey halkaas, shahaadooyinna lagu gudoon siiyey ka soo qayb galayaashii.

Habka loo agaasimay aqoon iswaydaarsigan ayaa ahaa mid si fiican looga baaraan degay, isagoo ka koobnaan laba qaybood oo kala ah: 

1- Lectures ay soo jeedinayeen aqoonyahanno khibraddo xeer dheeraad ah u leh arimaha laga hadlayey, kana socdey xarumo waxbarasho oo caalami ah, kuwaasoo ka kala jira wadama Imaraaraadka carabta iyo dalka UK, iyo weliba xubno ka tirsan bahda waxbarashada ee somaliland. 

2- Dood wadaag ay yeelanayeen tabobartayaashu iyo hawlwadareedyo qiimo badan oo halkaas ka dhacay.

Aqoon is waydaarsigan oo ay ka soo qaybgalayaashii si wayn u bogaadiyeen waxa la filayaa inuu ku soo kordhiyo aragti iyo fikrad wax ku ool ah oo waxwayn ka badali kara hanaanka maamul ee waxbarashada dalka iyo hab maamulka hay’adaha ku hawlan.

Gebagebadiina aqoon iswaydaarsiga waxa la gudoon siiyey ka soo qaybgalayaashii shahaadooyin.

Maaha markii ugu horeysay ee Xarunta Beder ay tababaro noocan oo kale ah bixiso, balse waxay xaruntu tababaro noocan oo kale ah hore u siisay maamuladda wababarasho, macalimiin iyo weliba wasaaradda waxbarashada ee somaliland.

Dhinaca kale xaruntu waxa ay qabataa adeegyo kala duwan, iyadoo hore u soo qabatay tabobaro aad iyo tiro badan, barnaamijyo waxbarasho, cilmi baadhis iyo weliba talo bixin, kuwaasoo ay kaga qayb qaadanayso horumarinta iyo tayeyna arimaha bulshada qaybaheeda kala duwan.

BEder_in_brief

Halgan.net
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online