Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo lagu dilay magaalada Garoowe.

August 6, 2012 - Written by

Garoowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in saaka salaadii subax ka dib lagu dilay magaalada Garoowe  Xildhibaan ka tirsanaa  Baarlamaanka dowlada  Puntland oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud kuna magacdheeraa (Sheebe).

Xildibaanka ayaa koox hubeysan ay ku toogteen xili uu ka soo baxay  masaajid Al-Huda oo ku dhow gurigiisa waxaana isla markiiba goobta ka baxsaday dhagarqabayaashii dilka geystay. Kooxaha dilaya Masuuliinta  iyo waxgaradka Puntland ayaa dilalkooda fuliya wakhtiyada laga soo baxo salaadaha Maqriba,Cishaha iyo Salaada subax ka dib ,taas oo dad badan ay is weydiinayaan ajandaha ka danbeeya dilalka noocaan oo kala ah .

Saraakiisha Puntland ayaa in badan ku eedeeyey dilalka ka dhaca Puntland in ay ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab iyo kooxo kale oo lid ku ah nabada iyo harumarka Puntland. Ilaa haatan ma jiraan cid loo soo qabtay dilka Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud kuna magacdheeraa (Sheyba) oo la dhashay gabayaagii caanka ahaa ee Khaliif Sheekh Maxmuud.

Ciidamada amaanka ee magaalada Garoowe ayaa dad badan u soo qabqabtay waxaana ay sheegeen in ay baaritaano ay wadaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

244,180 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>