Afhayeenkii Xisbul Islaam Maxamed Macalin ayaa sheegay inay ka baxeen Al-shabaab.(Dhageyso)

September 24, 2012 - Written by

Afhayeenka oo u warramayey bbc-da, ayaa sheegay inay si buuxda uga baxeen ururka Al-shabaab, isla markaasna ay soo saareen bayaan ay ku caddeynayaan amuurtaas, wuxuuna intaas ku daray inay fiirinayaan sida uu u dhaqmo hoggaanka dalka Soomaaliya ee dhawaan la doortay.

Maxamed Macalin, oo la weydiiyey cidda kula socota arrinkan ee mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee la yaqaanay, ayaa ka gaabsaday inuu magacaabo, wuxuuse carrabka ku adkeeyey in mas’uuliyiintii ururka ay isla socdaan, isla markaasna uusan hadda dooneynin inuu shaqsiyaad magacaabo.

Afhayeenka, ayaa sheegay inay soo saareen bayaan ay qodobadiisa ka mid yihiin:

1- Inay ka baxeen ururka Al-Shabaab.

2- Inayan raacsaneyn siyaasadda iyo hadafka Al-Shabaab.

3- Inay aaminsan yihiin ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

4- Inay sharci darro u arkaan ciidanka shisheeye ee dalka ku sugan.

5- In la raadiyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

6- Inay aaminsan yihiin in xal wada hadal lagu raadiyo xalinta mashaakilka dalka Soomaaliya.

Laba sano ayaa laga joogaa markii ururkii Xisbul Islaam ee uu Madaxda ka ahaa Sh.Xasan Daahir uu ku biiray xarakada Al-Shabaab, iyadoona dhawaqan ka soo yeeray afhayeenkii ururkaaas uu imaanayo xili dalka ay ka dhacayaan isbeddelo badan, lamana garanayo ilaa iyo hadda cidda amuurtaan kula socota afhayeenkaan, waxaana xusid mudan in Sh. Xasan Daahir laftiisa uu marar dhowr ah sheegay inuusan ku qanacsaneyn qaabka Al-Shabaab wax u waddo.
Hoos ka Dhageyso wareysiga BBC uu siiyey Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin

[audio:http://halgan.net/Mp3/Maxamed_Macalin.mp3]

Somalireal
Nairobi

Leave a comment

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online