Al-Shabaab oo isaga baxay magaalada Kismaayo iyo ciidamada huwanta oo ku wajahan

September 29, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Al-Shabaab ay isaga baxeen magaalada Kismaayo xalay waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo soo gaaray ciidamo uu horkacayo Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni Sheekh Ahmed Madoobe.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo oo ay la xiriirtay Halgan.net ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Al-Shabaab ay baneeyeen xarumihii ay ciidamadooda kaga sugnaayeen magaalada Kismaayo sida saldhiga magaalada Kismaayo, xarunta gobalka kan Degmada Kismaayo  iyo warshada Hilibka ee xaafada guul wade .

Xaalada Magaalada Kismayo ayaa ah mid degan wilina magaalada sooma galin gudaha magaalada Kismaayo ciidamada huwanta ee taageerada  ka helaya ciidamada dalka Kenya waxaa magaalada ka socda bililiqo baahsan .

Idaacadii Andulus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa hawada ka maqan, kadib markii shalay oo dhan ay si toos u tabineysay  xaalada Dagaal ee ku soo korodhay magaalada Kismaayo .

Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa noo sheegay in magaalada Kismaayo ay weyn tahay aana la xaqiijin karin in ay ka wada dhamaadeen ciidanka Al-shabaab wuxuuna noo sheegay in laga yaabo in ay jiraan ciidamo dharkii badashay oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Ka bixitaanka Maamulkii  al-Shabab ee magaalada Kismayo ayaa ku soo aaday xili shalay uu wacad ku maray afhayeenka howlgalada Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab in magaalada aysan ka bixi doonin ayna difaacan doonaan .

Wixii Warar ah ee ka soo kordha magaalada Kismaayo kala soco halgan.net

Halgan.net
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. sxp shabaab umada ayay dhibeen shacabkana way isku direen ee ilaahiy haka qabto umada allahu akbar

Leave a comment

*