Al-shabaab oo meydad askar Kenyaan ah ku soo bandhiga magaalada Kismaayo

September 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo meydadka ilaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka dalka Kenya oo ay ciidanka Al-shabaab ay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay duleed ka magaalada Afmadow, Masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa fagaaraha beerta xoriyo ee magaalada Kismaayo waxaa ay ku soo bandhigeen meydadka ilaa afarta askari ee  Kenyaanka ah iyagoo dadweynaha ay la  hadlayeen u sheegay in ay khasaaro xooggan ay gaarsiiyaan ciidamadii huwenta ahaa ee duulaanka ku ahaa magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Ururka Al-Shabaab, ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay degaano hoos taga gobolka Jubada hoose. Saraakiisha Al-shabaab ayaa saxaafaad u sheegay in ay ku guulaysteen in ay ridaan 2 diyaaradoo  oo ay leeyihiin ciidanka Kenya kana qayb qaadanayey dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Miidu

Afhayeenka Milateriga ciidnka Kenya Emannuel Chirchir oo shalay la hadlay saxaafada Kenya ayaa inkiray in ciidamo badan laga dilay Kenya iyo in laga soo riday diyaarado dagaal wallow maanta saxaafada ay ururka Al-shabaab u soo bandhigeen ilaa 4 askari oo ah Kenyaan oo shalay ay ku dileen dagaalkii ay la galeen ciidanka Kenya oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay taageersan yihiin DFS ee uu xilkeedii dhamaaday.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online