Al-shabaab oo sheegtay Qaraxii ka dhacay Hotelka Al Jazeera ee Muqdisho

September 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay 2-bo weerar oo lala beegsaday Hotel Jazeera oo uu deganaa Madax weynaha cusub ee Dowllada Federaalka Soomaaliya Dr.Xassan Shiikh Maxamuud uuna ka socday kulan gaar ah oo uu Madax weynuhu la lahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Sam Ongeri, kulanka ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka uu u dhacay siddii loogu tala galay ayna khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, ilaa 2 qof oo watay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa fuliyey qarax ka dibna waxaa rasaas fara badan furay ciidanka AMISOM iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha cusub ee DFS Dr Xassan Shiikh Maxamuud.

Ilaa iyo hadda wararka ka soo baxay rugaha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 6 qof ay ku dhinteen iyagoo 4 ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka DFS iyo kuwa AMISON iyo 2 qof oo la filayo in ay weerarka fuliyeen qaraxa.Qarax ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM waxaan ay xireen wadooyinka soo gala ama ka baxa Hotelka iyagoo bilaabay in ay daad gureeyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online