AMISOM oo qirtay in ay dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido ay ku la,yihiin ilaa 5askari

September 2, 2012 - Written by

Kismaayo:-Taliska ciidanka AMISOM ayaa xalay soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in ay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow ka dib dagaal culus oo dhexmaray ciidamada AL-Shabaab iyo kuwa huwanta .

Warsaxaafadeedyo ay AMISOM soo saartay xalay ayaa waxay ku sheegatay in ay dagaalka ka socda gobalka J/hoose ay ku dileen  36 ka mid ah askarta ka tirsan Ururka  Al-shabaab waxaana ay beeniyeen in laga qabsaday Degmada Afmadow.

Taliska ciidanka AMISOM ayaa qirtay in ay dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido ay ku la,yihiin ilaa 5askari oo ka tiran ciidamada AMISOM ayna dagaalka uga dhaawacmeen 3askari oo kale kuwaas oo lagu dabiibayo Degmada Dhoobley.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa ku faanay in ay guul ka gaareen dagaalada ka socda gobalka J/hoose wuxuuna kuu goodiyey in ay wadayaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale Ururka Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo ka dhacay  deegaanka Miido waxaya sheegeen in  ay qabsadeen Degmada Afmadow askar badan oo ka tirsan AMISOMna ay laayeen .

Al-shabaab ayaa shalay kusoo bandhigtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose maydadka afar askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM kuwaas oo lagu dilay dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Miido .

Si kastbada ha ahaateen dagaalada ka socda gobalka J/hoose ayaa galay waji kale waxaana socda diyaargarow ay wadaan labada dhinac habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa la duqeeyey Dekkada magaalada Kismaayo waxaana ku soo dhacay ilaa 3 madfac waloow aysan geysan wax khasaaro ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online