Bayaan ay Majliska Golaha Imaamyada Waqooyiga America ay ka soo saareen isbadalada cusub ee Somalia iyo fariimo wadajira

September 17, 2012 - Written by

Golaha Imaamyada Soomaliyeed ee Waqooyiga Mareeykanka Golaha imaamyada Soomaali yeed ee waqooyiga Mareeykanka (North American Counsel of Somali Imams -NACSI) waxay u dirayaan madaxweeynaha cusub ee Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed farriimaha soo socda:

1- Barlamaanka cusub waxaan ku bogaadineeynaa guusha ay soo hooyeen kuna aaddan doorashada madaxweeynaha cusub ee JFS Prof. Xassan Sheikh Maxamuud.

2- Madaxweeynaha waxaan Allah u weeydiineeynaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibay kana dhigo kii sabab u noqon lahaa in umadda soomaaliyeed ka baxdo dhibaatada.

3- Waxaan u dardaarmeeynaa in uu soo xusho xubno waxtar iyo diin leh oo la qabto muhimadda loo xilsaaray.

4- Ummadda soomaaliyeed waxaan ugu yeereeynaa in aanay waxba kala harin,talo, xoog, xoolo iyo waxkasta oo nooga baahdo madaxweeyna JFS si looga baxo dhibaatada raagtay ee soomaaliya.

5- Waxaan ugu yeereeynaa dadka qoriga heeysta in ay la heshiiyaan dowladda cusub fursadna siiyaan nabadda iyo midnimada soona raacaan ummadda soomaaliyeed.

6- Waxaan ugu yeereeynaa Baarlamaanka cusub,doowladda cusub in ay umada Soomaaliyeed ku xukumaan oo ay hirgaliyaan shareecada islaamka ee toosan si aan dib loogu noqon wadooyinkii burburka umada u horseeday.

7- Waxaan ugu dambayntii xusuusinaynaa umada Soomaaliyeed in wadanku marayo marxalad kalaguur ah oo xasaasi ah loona baahan yahay in laysu tanaasulo, laysku tiirsado, loona guntado soo celinta sharafkii iyo heybadii qaranimo ee Umada Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii waxaan Allah weeydiisaneeynaa in uu waafajiyo madaxweeynaha cusub Prof. Xassan Shiikh Maxamuud hoggaaminta toosan iyo wuxuu Alle raalli kayahay.

Halkaan ka eeg bayaanka Masjliska Culimada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Mareeykanka

Madaxa Golaha Shuurada Sheikh Cabdiraxman
Sheikh Cumar Axmad, Halgan.net

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Maashaa allaah ,waa arin aan ka filaynay culumada ,Wabaarakalaahu fiikum,allaah ha idiin fududeeyo mas uuliyad culus ayaad umadda u haysaan .Wazaakumulaahu khayran.

  2. Maashaa Allaah culumada Ilaah Weyne khayr ha siiyo dadaalka ay wadaan dartiis aamiin laakiin waxaan jeclaan lahaa inay siyaasadda si toos ah u soo galaan si ay ummadda u samata bixiyaan . Haddii kale masiirka ummadda wuxuu gacanta u gelayaa wax magarato.

Leave a comment

*