Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanka Qalimow

September 22, 2012 - Written by

Jowhar:-Warar saaka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar waxaan gawaarida dagaalka ee AMISOM iyo kuwa DFKM ku sugan yihiin deegaanka Qalimow oo u dhexeeya degmada Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa iyaga oo lugeynaya saaka lagu arkay deegaano ka tirsan gobalka  Shabeellaha Dhexe waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal ka qarxo Degmada Jowhar oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

G/Dhexe Maxamed Maxamuud Saney ayaa saaka warbaahinta u sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar oo ay saacadaha soo socda la wareegi doonaan wuxuuna sheegay in ay u jiraan Jowhar wax ka yar 20KM.

Ciidanka Al-Shabaab ee ku sugan Jowhar ayaa diyaargarow ka wada gudaha magaalada Jowhar .wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay soo gaareen deegaanka Booroow oo 17-km koonfur kaga beegan degmada Jowhar .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online