Ciidamada huwan oo soo gaaray Gilgisha iyo Kenya oo ciidamo ka soo dejisay Dekkada Kismaayo

September 29, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dilal qorsheysan ay ka socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana ilaa haatan lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo  ilaa 3 qof oo rayid ah oo midkood uu ahaa Ganacsade.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa noo sheegay in Gancsiga magaalada uu xiran yahay waxaana qof walba uu qori la hortaagan yahay meheradiisa waxaana magaalada ka socda wili boob baahsan.

Ilo wareedka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale noo sheegay in magaalada ay haatan ku soo dhawaadeen ciidamada huwanta kuwaas oo haatan ku sugan deegaanka lagu magacaabo Gilgisha oo u jira magaalada Kismaayo wax ka yar 15KM.

Dowlada Kenya ayaa waxay sidoo kale ku soo daabuleysa magaalada Kismaayo ciidamo faro badan iyada oo saaka laba markab ku soo xirteen Dekkada magaalada Kismaayo sida uu noo sheegay wariye madax banaaan oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Diyaaradaha dalka Kenya ayaa Duqeyn ka geystay maanta deegaanka Goobweyn ilaa haatan lama yaqaan khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online