Ciidanka dalka Kenya oo weerar dhinac cirka iyo Badda ku qaaday magaalada xeebta ah ee Kismaayo
September 28, 2012 - Written by
Kismaayo:-Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa xalay ilaa saaka ay duqeyn xooggan oo dhinac cirka iyo badda ay ku hayaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo iyagoo dhinac xeebta kaga yimid magaalada , Ciidanka Dalka Kenya ayaa waxaa ay doonayaan in ay qabsadaan magaalada halka ciidanka Al-shabaab ay dagaal kala hortageen markii ay ka war helleen in cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya ay soo galeen xeebta.
Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa awood iskugu geeyey magaalada Kismaayo si ay uga difaacaan ciidanka dalka Kenya oo saaka ilaa xalay dhinaco kale duwan ka soo wareeray magaalada iyagoo adeegsanaya diyaarado dagaal iyo weliba Maraakiib dagaal , magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku socda duqeyn xooggan iyagoo khasaaro kale duwan ay soo gaareen dadka rayidka ah.
Dhinac kale Afhayeen Ciidanka Al-shabaab sh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ku goodiyey in dagaalka qaawan ee ciidanka Kenya iyo xulufadooda ay ku soo qaadeen magaalada Kismaayo ay kala kulmi doonaa hoog iyo jab isagoo saaka Idaacada kala hadlay dadweynaha Kismaayo ayaa waxaa ku ku booriyey in ay Qabaa’ilku degan Kismaayo ay maqlaan waxyaabaha ay Saraakiishu ciidanka Al-shabaab ay u sheegaan oo ku saabsan dhinac dagaalka si looga fogaado khasaaro badan in uu soo gaaro iyaga iyo in cadowgu gaaro u jeedooyinkiisa guracan.
Afhayeen milateriga dowllada Kenya, Col. Cyrus Oguna oo la hadlay warbaahinta ayaa ku faanay in ciidanka Kenya ay galeen gudaha Kismaayo wax iska caabin ahna ay kala kulmin ciidanka Al-shabaab, Afhayeenka ciidanka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay hadda ku sugan yihiin Xaafada ku tirsan Kismaayo.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)

