Ciidanka dalka Kenya oo weerar dhinac cirka iyo Badda ku qaaday magaalada xeebta ah ee Kismaayo

September 28, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa xalay ilaa saaka ay duqeyn xooggan oo dhinac cirka iyo badda ay ku hayaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo iyagoo  dhinac xeebta kaga yimid magaalada , Ciidanka Dalka Kenya ayaa waxaa ay doonayaan in ay qabsadaan magaalada halka ciidanka Al-shabaab ay dagaal kala hortageen markii ay ka war helleen in cutubyo ka tirsan ciidanka dalka Kenya ay soo galeen xeebta.

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa awood iskugu geeyey  magaalada Kismaayo si ay uga difaacaan ciidanka dalka Kenya oo saaka  ilaa xalay dhinaco kale duwan ka soo wareeray magaalada iyagoo adeegsanaya diyaarado dagaal iyo weliba Maraakiib dagaal , magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku socda duqeyn xooggan iyagoo khasaaro kale duwan ay soo gaareen dadka rayidka ah.

Dhinac kale Afhayeen Ciidanka Al-shabaab sh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ku goodiyey in dagaalka qaawan ee ciidanka Kenya iyo xulufadooda ay ku soo qaadeen magaalada Kismaayo ay kala kulmi doonaa hoog iyo jab isagoo saaka Idaacada kala hadlay dadweynaha Kismaayo ayaa waxaa ku ku booriyey in ay Qabaa’ilku degan Kismaayo ay maqlaan waxyaabaha ay Saraakiishu ciidanka Al-shabaab ay u sheegaan oo ku saabsan dhinac dagaalka si looga fogaado khasaaro badan in uu soo gaaro iyaga iyo in cadowgu gaaro u jeedooyinkiisa guracan.

Afhayeen milateriga dowllada Kenya, Col. Cyrus Oguna oo la hadlay warbaahinta ayaa ku faanay in ciidanka Kenya ay galeen gudaha Kismaayo wax iska caabin ahna ay kala kulmin ciidanka Al-shabaab, Afhayeenka ciidanka Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay hadda ku sugan yihiin Xaafada ku tirsan Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Ninbaa laga sheegay “aan ooyee albaabada ii xir” anigu waxa aan maanta ka ooyayo waxaa weeye ciiddii soomaaliyeed iyo magaalooyinkeediiba meel istiraatiiji ahayd iyo meel kaleba gaalo maanta si fiican ayay u deristay oo uga dhergeen xag millatery iyo xag kaleba,siiba kuwa dhulalka ka haysta soomaaliya ee cadaawadoodu muuqato,hadda ka hor waxaa soomaaliya dabo iyo dacal uga baxay wayaanadii itoobiyaanka oo ciidii xeebta muqdisho cagaha geliyey iyaga oo aan weligood ku royoon, xataa intii dalkaan xorriyad aannu qaadan ee odayaashu warmaha iyo dhoombirkaku difaaci jireen, maantana kuwii sanka dhuudhiga ahaa ee ugaalida laba cantuugi jirey ayaa ku faanaya oo leh xeebtii kismaayo ayaan bad iyo berri kasoo gallay, dawacooyinka kale ee iyaku lagu quudinayo dhulka soomaaliya ee bujunbuura iyo meelaha ka fog ka yimidna iskaba daa ee askartooda mushaarka loogaga dabbarayo soomaaliya.

    waxaa isweydiin leh marka yaa iska leh sababta dalkaan dhumay oo loo raacayaa…? aaway kuwii indhaha la’aa ee ku wardin jirey Alaaskaan qabsaneynaa iyo baddaan orod ku mareynaa..? aaway godane iyo kooxdiisii laga kari waayey jar iska xoornimada..? aaway kuwii laga kari waayey war shacabka soomaaliyeed cagta u dhiga oo isku soo ururiya oo gaalo dalkaan ha ugu yeerina, maxay maanta hayaan, maxaase gacan ugu jira, meel kasta inta gaalo makaniyeen oo kasoo buuxiyeen ayay ka carareen oo ka yaaceen.

    ilaah baan idinku dhaarshaye ma garbaa in axmed godane inta caruurtii yaryareyd ee soo kacaysay dab ku guray oo taangi gaalaad ka horgeeyey safsafna loo dulmarey uu isaguna cagaha wax ka dayo, jannada carruurta loo baabiinayo isagu uma baahna miyaa, aawey roobow ,fuaad shoongale,sheekh cali dheere, ibraahim afqaan iyo raggii kale ee carruurta siligyada bambooyinka ah kusoo xirxiri jirey, hadday runsheegayaan maan maqalno mid kaliya oo iyaga ka mid ah oo la leeyahay jannuu doontay oo halganka ay sheegayaan ayuu ku tagay….

    ma hayno raggaas !! iskaba daaye xataa yaa maqlay hadal kooda ah, mid walba inta carruurtii soomaaliyeed baabiiyey oo dab ku guray ayuu kolba magaalo u cararayaa, maxaa loo carari maa nafta la huro haddii run la sheegayo, berrina waxaad maqli doontaan-igana qora-iyadoo ina godane iyo raggiisu ay ka hadleen ama GALGALA ama BADAHA GADAASHOODA, maanta markii soomaali la dulleeyey oo tin iyo cirib gaalo loogu yeeray ayaa la kala caray, bal ilaaha baan idinku dhaarshaye yaa ka dullinimo badan in xataa booliiskii yaraa ee xaafadaha joogay maanta laga keenay burundi siraleyon nigeria iyo wax la mid ah, halka xafiis kastaayi maanta nin gafuur weyn oo isku kaadinaya loo diyaarinayo oo saraakiishii soomaaliyeed dhulka lagu jiido oo la yiraahdo laydin aamini maayo ee annagaa ammaanka dalka sugayna…dulliga ka weyn waa kee, soomaalidu waxay tiraahdaa hunguri wax ka weyn la geshey waa dillaacaa axmed godane taladiisii maanta tanay dhashay.

    imisaa culimadu yiraahdeen war sidaan ma ahee ka daaya ..war shacabka iyo dalka yaanan wax aan tabartood ahayn lagu xambaarin..war fikirkaan caqiimka ah kasoo laabta…laakiin dheg maqashayi ma jirto tanaana timid ,xamar buu duhur cad ka xawaareeyey ina godane oo yiri xeel dagaal baan uga baxay oo baydhabaa ku xigtay, b/weyne,luuq,beledxaawo,dhoobley,afmadow afgooye marko, illaa maanta ugu dambeyn la marayo kismaayo…ma waxaasaa wax qalbi fayow uu maqli karaa ? maxaa shacabka loo dullleyn oo gaalada loogu baabiin haddii laga cararayo, hadal waxaan kusoo koobayaa in nimankaan Alshabaab la baxay (hogaankoodu) ay jiho kale u shaqeynayaan oo ay wataan qandaraas dalka soomaaliyeed lagu gacan gelinayo oo cadaw loo dhiibayo, waxaanan soo xasuustay hadalkii sheekh Axmed c/samed hadda ka hor sheegay ee ahaa in nimankaan gaalada sii horsocdaan oo meelkasta marka la qabsado kasii cararayaan oo meel cusub oo aanay gaalo arag sii tegayaan, taasina waa wax iska cad oo dalkaan lagu gacan gelinayo aynuna sugno waxa xaal ku dambeeyo, waxaan ka dhursugayaa marka aan maqlo ragga hadda gobolladii koonfureed oo dhan gacan gaalo geliyey marka ay ka hadlaan xaggaas iyo gobolada waqooyi oo ah meesha kaliya ee soomaali u fayow walow iyaga laftoodu si indirect ah loo xukumo…SATUBDII LAKAL-AYYAAMU MAA KUNTA JAAHILAN…WA YA’TIIKA BIL-AKHBAARI MAN LAM TUZAWWIDII.

  2. Kuma farxin damiir ahaan in dad muslimiin sheeganaaya ay dhibtood lagana baa biyo beriga. bada iyo cirka intaba, waxaan oran karaa dadka wadanka ku soo dulay qab ayeey ka yihiin markii ay diden hadalkii culimada iyo nasteexadii uguna bedeeen cay iyo af xumo waa wax qorshaha ku jirtay in ay tan la kulmayaan, hadal iyo dhamaantiis Allaah ha u toobad keneen ayaan qabaa hana isdabo qabteen intooda qaldan inta ku dhex dhuntayna sabar Allaah haku risaaqo, galadana Allaah ha jebsho hana duleeyo waayo wax masaalix islaam ah haday wadaan Ale ayaa inoo sheegi lahaa waayo isgaa abuuray inoogana aqoon badan.

  3. Yaa laah jabi gaaladaa iyo gaalo raacyada

  4. allow uhiili nasriga adigaa gacanta kuhayeeeeeee kiristankaan doonaya ay dalka gumaystaan

  5. Alahu Akbar Rabiyow dartabey udagalamahayane lolandagalamahayaa ugar gaar amiin amiin Rabiyo kuwa galada lsocdo hooji adun iyo Aaqiro amin amin dhaman musliminta mel walbey jogan ducada hakuda dhalan

Leave a comment

*