Culimad waaweyn ha looga danbeeyo wax umada ay maslaxadoodu ay ku jirto Sh Umal.[Daawo Video-ga]

September 2, 2012 - Written by

Nairobi :Sh. Umal oo khudbadiisa Jimcaha uga hadlay, inay waajib tahay in Culimada la adeeco, ayaa sheegay  in xiliga adag ee hadda lagu jiro laga shalaalayayo haddii dhalinyaro xamaasadeysan la daba galo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in loo bahan yahay talaabo kasta oo la qaadayo in laga fiirsado waxa ka dhalanaya.Sheekha, ayaa sheegay inaanay banaaneyn in umadda madaxa loo galiyo mashaqo ay adag tahay inay ka baxdo, wuxuuna boorriyey in arrimaha ammaanka iyo colaadda loo baahan yahay in looga dambeeyo dad aqoon, khibrad iyo alle ka cabsi leh, isagoona ka digay xamaasadda iyo fudeydka in wax badan lagu seegayo.

Sh. Umal. ayaa sheegay in dhalinyaro xamaasadeysan ay dagaallo la galeen, xukuumadihii Suuriya, Aljeriya, iyo Masar, isagoona intaas ku daray in dagaaladaasi ay ku dhamaadeen fashil iyo natiijo la’aan, wuxuuna ka digay in lagu socdo dariiq aan umadda dani ugu jirin.” dagaalada Sheekhu ka hadlay waa kuwii siddeetameeyadii iyo shagaashameeyadii dalalkaas ka dhacay”

Sheekha, ayaa tusaalayaal u soo qaatay Taariikhdii Rasuulka iyo Saxaabadiisii, wuxuuna boorriyey in lagu daydo dariiqa Kitaabka iyo Sunada, isla markaasna talada umadda loo daayo dadka mas’uuliyiinta Muslimiinta iyo aqoon yahanka diinta.

Inaan Mudaaharaad aan wax badan soo kordhineyn la sameeyo, ayuu Sheekhu ka digay, wuxuuna tilmaamay, in la isu miisaamo dhibka iyo dulmiga laga cabanayo iyo fasahaadka ka dhalanaya, isagoona iftiimiyey inay jiraan dad doonaya in godad ay ku shubaan da’yarta umadda, diinta, dadka iyo masaalixda umaddana aan dan ka laheyn, sida Sheekhu sheegay.

Culimada, ayaa inta badan ka diga dhibaatooyinka ay wajahayaan umadda Muslinka ah, gaar ahaan ficilada ka dhashay carada ay qeyb Muslimiinta ah ka qaadaan dhib soo gaara, iyadoona dhinaca kale ay jiraan dad Culimada u caaya inay u raaci waayeen aragtiyo ay ka qabaan marxaladaha ay umaddu mareyso.

Hoos ka daawo Khudbadii maanta ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Somalireal.com/Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Walimanandageysaninmuxadarada waxansugeyna inad mp3 inogadigtan insha alah

  2. jazaaska allaahu khayral jazaa yaa sheekhunaa
    ilaahay waxaan kaaga baryayaa in uu cimriga iyo cilmigaba kuu barakeeyo aakhirana janatul firdowsa ku geeyo aamiin aamiin

  3. Subhanalah walahi sheikh muxamad cabdi Umal wa caaliim cilmi kiss Iyo fiqigisa aad Is daheeysid nin lamid ah waa yaryahay somaliyeey wAxaan dihi Laha sheikhana ha laga dambeeyo. Walahi waa nin dagan oo cilmi kabuuxo, Waxaa uu kahadlayana Iska hubiya. Inna ma yacrifu makaanata al’rijaali al’rijaalu. Sh Mohamed Umal is one sheikh if the Somali community every where obeyed would have Ben a successful nation by Allah every time I listen to him I say to my self is there someone among the Somali community like this, why aren’t we listening to this caaliim. We ask Allah to grant the sheikh all success in this world and in the hereafter and we ask Allah to bless him.

Leave a comment

*