Daawo Xaflad lagu mideynayey 2-da Jaamacadood ee Bariga Soomaaliya & Bariga Afrika (Video)

September 6, 2012 - Written by

Qardho:-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Soomaliya ee magaalada Qardho waxayna xafladu ku saabsaneyd in Jaamcadda Bariga Soomaaliya wixii hadda ka dambeeya ay ku biirto ama hoos tagto Jaamacadda ugu faca weyn Puntland ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso ,waxaa Xaflada ka soo qeyb galay xubno kala duwan oo ka kala socday labada Jaamacadood maaamulkooda , Marti sharaf , xubno ka socday Maamulka Puntland iyo dad weyne lagu casuumay ka qeyb galka Jaamacadda. Xaflada waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay mid ka mid ah Asaas aasayaashii Jaamacada Bariga Soomaaliya C/qaadir Yaasiin Maxamed oo dhidibada loo taagay mudo hadaatan laga joogo 3 Sano waxayna masuuliyiintii u hadlayi ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin qaabka cusub iyo waayaha cusub ee ay jaamacadu galayso waxayna aad u soo dhaweeyeen ku biiridda ay ku biireen Jaamacadda Bariga Afrika

Sidaa oo kale waxaa hadal kooban dhinacyo badana taabanayay soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka guud Jaamacadda Bariga Afrika C/qaadir Shiine wuxuuna ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay jaamcaadda faraceeda cusub iyo kusoo biiridda ay ku soo biirtay Jaamacadda Bariga Soomaaliya wuxuuna sheegay in xaquuqda uu leeyahay faraca weyn ee Boosaaso uu mid la mid ah helayo kan Qardho ,sidaa oo kale waxa uu xusay in ardayga Qardho jooga uu helayo dhamaaan xuquuqda uu leeyahay ardayga wax ka barta guud ahaan Jaamacada Bariga Afrika qeybaheeda kala duwan ha joogo Bosaso, Qardho , Garoowe, Gaalkacyo,Goldogob iyo Ceerigaabo,wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in arday kasta uu leeyahay koodh ama (ID ) u gaar ah oo lagula soconayo dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladiisa waxbarasho ardayda wax ka baraneysa Qardhana ay taasi heli doonaan wixii hadda ka dambeeya.

Waxaa sidaa oo kale hadal soo jeediyay Gudoomiya Maamulka Sare ee Jaamacadda Bariga Afrika Sheekh Yuusuf C/casiis , wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyay As aasayaashii Jaamcadda Bariga Soomaaliya iyo guud ahaan tan Bariga Afrika,wuxuuna tilmaamay in Maamulka Jamacadda Bariga Somaliya iyo tan Bariga Afrika ay wada hadalo mudo soo socday wada qaateen wada hadaladaana marar badan lagu kala aragti duwanaaday wuxuuna carabka ku adkeeyay in waxa la doonayaa ay tahay hormarinta bulshada iyo in wax la baro ay tahay mid muhiimadeeda leh taasina ay tahay waajib diini ah in dadka wax la baro, sidaa oo kale waxa uu Sheekh Yusuf C/casiis ka hadlay in Faraxa lixaad ee Jaamacada Bariga Afrika ee Qardho uu yahay mid leh nasiib wanaagsan wakhtigan wixii ka dambeeyana uu la xuquuq noqon doono Xarumaha kale ee Jaamacada ardayguna uu xaq u leeyahay hadba in uu badal u qaato xarunta markaa uu si ahaantiisa door bidayo.

C/laaahi Cali Qood ayaa la siiyay in uu soo jeediyo kalmada Waxgaradka Deegaanka wuxuuna soo dhaweeyay Jaaamacadda iyo ku biirideeda ay ku birtay Jaamacadda Bariga Afrika wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in waxbarashada deegaanku ay gaardhay heer fiican sidaa oo kalena uu u rajeynayo heerka ay hadda gaadhay mid ka fiican ,wuxuna dadka deeganka ku booriyay in waxa laga doonayaa ay tahay in ay sare u qaadaan Jaamacadooda tartana la galaan xarumaha kale ama faracyada kale.

Sidaa oo kale wax hadal midkaa la mid ah soo jeediyay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur waxaana tilmaamay in Ardaydu ay yihin kuwo nasiib badan ayna xili ay helayaan meel ay wax ku bartaan ay ku biireen Jaamacada Bariga Afrika , sidaa oo kale waxa uu xusay in waxbarasahada aas aasiga ah ee Qardho ay heerar kala duwan soo martay wuxuuna carabka ku adkeeyay in Iskuulka sare ee Al Mundata markii la aas aasayay ay dadku deegaanku ay isku khilafeen ardaydii iskuulkaa ka baxdayna ay manta yihiin howladeenada Jaamacadda Bariga Afrika ayna macalimiin ka yihiin, waxa uu dadka deegaanka Qardho ugu dardaarmay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaji Nuur in ay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa loona midoobo sidii Jaamacada loo hormarin lahaa ayna xooga saran sidii ay u hormarsan lahayeen tusaale iyaga oo ka qaadanaya faracyada ka horeeyay ayna xisaabta ku darsadaan in ay dadka deegaanku ay yihiin kuwa wax laga sugayo ee aysan ahayn kuwa waxa laga sugayo meel kale ama taakulo kale .

Pro Axmed Faarax Yare oo ka mid ah Macaliminta Jaamacadda Bariga Somaaliya (horey – Hadda Jaamacadda Bariga Afrika ) wuxuu tilmaamay in cilmigu uu yahay mid heerar kala leeyahay wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu dalka dibadiisa ku noolaa 30 sano kuna noolaa Dalka Ingiriiska ,wuxuuna xusay in herarka hadda dhinaca waxbarashada laga marayaa ay tahay heer laga tagay Sabuuradii iyo Jeesatadi cadeyd haddana la marayo meel aan la qiyaasi kareyn wuxuna carabka ku adkeeyay in waxa uu tusaalahaasi u soo qaatayi ay tahay in herkaas oo kale la gaadhi doono hadii la isku tashado.

Hoos ka Daawo siddii ay u dhacday Xaflad lagu mideynayey 2-da Jaamacadood ee Bariga Soomaaliya Bariga Afrika oo lagu qabtay Qardho


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online