Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystay Degmada Baardheere

September 29, 2012 - Written by

Baardheere:-Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen magaalada, duqeyntaas oo ay waxyeelo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah.

Diyaaradaha ayaa waxaa ay Gantaalo ku tureen EDC-da degmada Baardheere waxaan duqeynta ku dhintay ilaa 1 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa 3 qof oo kale oo dhamaan tood la sheegay in ay yihiin dad rayid ah. Diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxaa kale oo duqeyn ka geysteen goobo kale oo ka baxsan gudaha magaalada gaar ahaan duleedka magaaalda iyadoo ciidanka ururka Al-shabaab oo ku sugnaa Degmada Baardheere ay ku rideen hubka lidka diyaarada.

Ururka al-shabaab ayaa weli gacanta ku haya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waan goobaha ilaa hadda uu ka jiro maamul hoos taga Al-shabaab, Ilaa hadda si buuxda uma aysan shaacin laamaha caafimaadka ee Al-shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta ay diyaaradaha dalka Kenya ka geysteen degmada Baardheere.

Ma ah markii ugu horaysay oo ay diyaaradaha dalka Kenya ay duqeyn ka geystaan degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo gobolka Jubada Hoose. Duqeymaha ay geysteen diyaaradaha Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarta dadka rayidka ah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online