Faahfaahin Qarax caawa ka dhacay Muqdisho oo lagu laayey wariyaal iyo dad shacab ah
September 20, 2012 - Written by
Muqdisho:-Wararka naga soo gaaaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lagu weeraray maqaayada lagu magacaabo Village oo ku dhow gurigii hore ee hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadweyne rayid ah iyo wariyaal.
Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah ay geysteen labo dhalinyaro ah waxaana qaraxa ku dhintay Allaha U naxariiistee wariyaasha kala ah .
Liibaan Cali Nuur madaxii wararka ee Telefishinka SNTV
Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxii Barnaamijyada Telefishinka SNTV
C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii Radio Xamar (VOD)
Wariyaasha uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxay kala yihiin
Maxamed Xuseen Gentelman oo u shaqeeya TV SNTV
C/laahi Maxamed Cali Suldaan iyo C/kariin Guutaalle oo u shaqeeya Radio Kulmiye .
Wariye C/risaaq Shiino oo ka howlgala Radio Kulmiye.
Maxamed Biibaaye- oo ka tirsanaa Radio Muqdisho
Waxaa sidoo kale 10 qof oo dhaawac ah oo wariyaal ku jiraan la geeyey Isbitaalka Daarul-Shifa .Qaraxan ayaa waxaa uu ku soo aaday xilay uu shalay u goodiyey wariyaasha ka howlgala Tv-yada iyo Idaacadaha aysan gacanta ku hayn Al-Shabaab Cabdiraxmaan Xudeyfa Waaliga Jubooyinka ee Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan kuwa dicaayada faafinaya si dadka ay u baro kiciyaan.
Wili waxaa socda xog uruurin waxaan idiin soo gudbin doonaa wararka ugu danbeeya waxaa haatan isbtaalka ku dhintay laba shaqaale oo ka dhaqeynayey Maqaayada Village dhimashadu waxay sii mareysaa ilaa haatan 14 qof.
Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa caawa ka dhacay Hotel Village ee magaalada Muqdisho .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

