Faahfaahin Qarax caawa ka dhacay Muqdisho oo lagu laayey wariyaal iyo dad shacab ah

September 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lagu weeraray maqaayada  lagu magacaabo Village oo ku dhow gurigii hore ee hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadweyne rayid ah iyo wariyaal.

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta ah ay geysteen labo dhalinyaro ah waxaana qaraxa ku dhintay Allaha U naxariiistee wariyaasha kala ah .

Liibaan Cali Nuur madaxii wararka ee Telefishinka SNTV
Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxii Barnaamijyada Telefishinka SNTV
C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii  Radio Xamar (VOD)

Wariyaasha uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxay kala yihiin

Maxamed Xuseen Gentelman oo u shaqeeya TV SNTV
C/laahi Maxamed Cali Suldaan iyo C/kariin Guutaalle oo u shaqeeya Radio Kulmiye .
Wariye C/risaaq Shiino oo ka howlgala Radio Kulmiye.
Maxamed Biibaaye- oo ka tirsanaa Radio Muqdisho

Waxaa sidoo kale  10 qof oo dhaawac ah oo wariyaal ku jiraan  la geeyey Isbitaalka Daarul-Shifa .Qaraxan ayaa waxaa uu ku soo aaday xilay uu shalay u goodiyey wariyaasha ka howlgala Tv-yada iyo Idaacadaha aysan gacanta ku hayn Al-Shabaab Cabdiraxmaan Xudeyfa Waaliga Jubooyinka ee Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan kuwa dicaayada faafinaya si dadka ay u baro kiciyaan.

Wili waxaa socda xog uruurin waxaan idiin soo gudbin doonaa wararka ugu danbeeya waxaa haatan isbtaalka ku dhintay laba shaqaale oo ka dhaqeynayey Maqaayada Village dhimashadu waxay sii mareysaa ilaa haatan 14 qof.

Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa caawa ka dhacay Hotel Village ee magaalada Muqdisho .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

13 Comments so far

Leave a comment

  1. Wc Wr Wb To: UmmRamla waa run sheekada calaacal baad mooddaa inay u badatay laakiin waxaan rajaynayaa in la baraarugi doono oo ficil cilmi iyo xikmadi ku dheehantahay loo beddeli doono bi’idniLLaah. Tan kale waan kula soo xiriiri in shaa Allaah. Haddii emergency ama xaalad deg deg ah ay dhacdo wixii amniyaad ah Halgan.net ayaa noo qaabishan.(Just kidding!)

    To: Maxamed ‘waxaan qabaa’ baad tiri sidii adoo ka hadlaya arrin ikhtiyaari ah. Waxaan qabaa ama waxay ila tahay waxaa loo adeegsadaa arrimo fikir ahaan lagu kala duwanaan karo. Laakiin dhiig muslim oo bilaash lagu daadiyaa waa wax ay waajib tahay inuu xaraam yahay in la ictiqaadiyo. Xadiiskii Nabiga SCW wuxuu ahaa macno ahaan *Qof muslim ah oo lagu caraatamo ama dhaleeceyn xun loo soo jeediyo waa faasiqnimo in lala dirirana(oo ay ka ratibmayso in la dilo) waa gaalnimo. Gaar ahaan haddii qaatilka uu xalaaleysto qofkuu dilayo dhiigiisa isagoon heysanin sabab sharciya waxaa soocmaya gaalnimadkiisa. Hadda waxaa cad iney jiraan dad muslimiin sheeganaya oo bannaystey dhiigga dad muslimiin ah oo diintii, dadkii iyo dalkiiba raba iney haadaan ka tuuraan horseedeyna iney waddankii gaalo ku soo xarooto. Marka kuwa noocaas ah la dagaalankooda miyuusan waajib ahayn? La garey haddii la xeerinayo masaalix kaloo guud laakiin haddii arrintu aysan waadix inoo ahayn waxaa ila quman inaan ka hadalkooda iska deyno iyagana waxay kharbudayaan ha kharbudeen. Ha israacdo diidaye ha ir raamsato hana la rarto.ã

  2. Asc
    To:muxibbul culamaa

    Hal qof oo camal wanaagsan la yimi saalix ah isla markaana ale talada saarta ayaa umada oo dhan bedeli kara sida ku cad siirada saxaabada iyo dadkii wan wanaagsanaa ee inaga horeeyey saad sheegtayna warkii calaacal ayuu batay, waxaan kuu soo diri lahaa qiso cajiib ah oon live uga war hayo hadad igala soo xiriirtid ummuRamla@hotmail.com hadii waqtiga kuu masaabaxo wax badan ayaad yaabin waxaadana sii ogaan halka baaba ugu danbeeysa ee umadu gaartay, aloow adaan kuu cabnay kuuna dano sheeganay aloow hana halaagin ee debigeena waan qiranay na dabo qabo.

  3. aniga waxaan qabaa dhiig muslim oo ladaadiyo ineey xaaraantahay umana maleynayo hadda in culumo dheheeyso shabaab halala dagaalamo ee iska jira dhiiga muslimiinta wabillahi towfiiq.

  4. wc wr wb
    To; Umm Ramla. Khayr fara badan Alle haku siiyo ducadaadana Alle ha ii aqbalo aamiin. Walaal diinta,dadka iyo dalkaba samata bixin ficil ah ayey u baahan yihiin. Waxaan qabaa in la helayo dad fara badan oo diyaar u ah arrintaas laakiin tawjiih ama tilmaan bixin culimo ayaa lagama maarmaan ah.

  5. To: Muxubil Culimaa

    ASC

    Walaal marka hore Allaah haku siyaadiyo caqliga saliimka ah ee kugu jira Allaahna haku barkeeyo, waxaad ka sharqimaysay su,aal qofwalba oo xal raadisa ah ka guuxaysa maskaxdiisa gaar ahaan aniga waqti bada ayaa iiga baxay is weydiinteeda, waxaana jeclaystay in mar uu wax lagu dhaqaaqo ayadoo dhiig in la daadiyo adagtahay hadana sida aad sheegtay waxaa daadshay dad inga khayr badan iyagoo u maray dariiq sax ah isla markaana kula dagaalamaayey gaalo ama dad diinta ku qaraabanaaya oo shaati qaldan soo huwaday, run ahaanii waxaan qabaa maanta waa la bislaaday gaalona waa isu habar wacatay wadankiina waxuu ku jiraa khatan diinteeniina waa gabaabsi marka hadalka aad ka shar qamisay see ficil loogu bedeli karaa waa su,aal aan soo dhex dhigay walaalha iyagu qalinka ku dagalama isla markaana halkaan wax ku qora???

  6. Horta Marka hore Alle ha u naxariisto muslimiintii abriyada ahayd ee ku dhintey qarixii shalay aamiin. Kuwa islaanimada is xijinaya bannaystayna dhiigga muslimiinta kuna faanaya inay dad muslimiin ah dhiigooda daadiyeen waxaan leeyahay Alle hasoo hanuuniyo. Hadduusan Alle la damcin hanuunna Ilaahey shartooda ummadda haka kaafiyo aamiin. Nimanyahaw caalamul-islaam guud ahaan gaar ahaanna waddankeennii Soomaaliya dhibaatooyin fara badan baa ka jira xagga ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iwm. Waxaan aaminsanahay in laga gudbi karo waase haddii loo soo jeesto oo daacadnimo, karti iyo hufnaan lala yimaado. Runtii dhibaato gaamurtey xallinteedu ma sahlana. In sacabada la laabto oo hadal iyo habaar lagu ekaado wax shaqaynaya maahan. Go’aan, tawakkal calaLLaah iyo wax qabad ayaa loo baahan yahay. Mararka qaar waxaa xal noqon kara wax dad badan ay u arkaan inuusan xal ahayn. Laakiin haddii loo baaraan dago oo dhinac walba laga fiiriyo ay soo baxayso inuu yahay xalka keliya oo mushkiladdan gaamurtay lagu xallin karo welibana u aswabsan. Laakiin dadka badankood waxaad mooddaa inay Pacifist-yaal yihiin oo ay aaminsan fikrad PACIFISM la yiraahdo oo ah dagaal oo dhan inuu wax xun yahay. Dagaal oo dhan hadduu wax xun yahay Nabi Muxammad calayhi assalaatu wassalaam baan dagaallameen. Abuu bakarna RC qolyihii sekada diidey lama uusan dagaalameen. Cumar RC baa la yaabbanaa inkastoo markii danbe uun ku qancay. Haddaba qolyaha waddamada muslimiinta dulmiga ka wada ee u horseedey inay waddankii gaalo ku soo xarooto maxaa inagala gudboon?

  7. Subhanallah, waa nasiib darro…..illaahay hanaga qabto raggan.
    Umaddi islaamka ahayd oo xatta dowlada kujirin bay qarxinayan.

    Illahay baa ujeedo, lkn malmahooda way tirsan yihin.

    dhibka jidho lkn waxaa waaye, dhalinyaradan waa somali, barito marki laga qabsado kismaayo ayay garka soo xiiri doonan oo markaas bay ku soo biiri doonan shacabka ayagoo wali qarxiskooda iyo dilka shacabka soomaliyeed sii wadi doona, meel aan uga baxsan karno maleh……ee Alloow naga qabo adaa caziiz ah

    wwasasalamu calaykum

  8. waxay ku leeyhihiin waxaanu laynay :::: MUrtadiin:::: bal waxaas fiiriya:: ilaahoow naga qabo

    Nimankii khawaarij ayay isu sii badalayaaaaaaaaaaane.

  9. Alla nimanku arxan daranaa war dadkaan ma xoolihii udxiyada loo gawrgawrici jireybaa, saw wax uun qiimo leh kuma jiraan nafta adduunka ugu qaalisan waa nafta muslimadda ah ee alle iyo rasuul rumeysey ilaahayna adduunkaan oo dhan oo baaba,a waxaa kala qaalisan naf mu’minad ah oo xaq darro lagu dilo,waxaa kaaga sii daran midka isku qarxinaya ee leh janno ayaan ku raadsanayaa, alla meesha uu galay ciriirisanaa !! tolow hadiiba kuwa uu u arkayey inay gaalo yihiin oo wariyeyaasha ah aan dhinac u dhigno yaa cafiyey dhiigga tobanaanka kale ee ku nafwaayey ee aan waxba galabsan, ma waxaan dhahnaa ilaah waxba kama soo qaadin dhiigooda,ninka isqarxiyeyna jannuu dabaalanayaa ilaahayna aynu ognahay ciqaabka uu ugu goodiyey qofka dila naf aan waxba galabsan xataa gaalba ha ahaadee saw talaacub ma ahan iyo iska horkeen diinta alle ?

    inbadan oo dadkaas meesha ku le,day caruurahoodii ama waalidiin laga yaabo inay iyagu indho u ahaayeen yaa looga tegey ? amaba hantida laga yaabo in qofka meesha furteyba lagu leeyahay ayna macquul tahay in uuba meesha ku dhintay yaa loo qabsanayaa? yaase la weydiinayaa wixii khasaare ahaa oo dhacay? cajiib waa wax qalbi iyo caqli fayow uusan garawsan karin.

    cali dheere ninkii ku faani jirey xasuuqa caruurta yaryarka ah ee ardeyda ah ee ku xamdi alleysan jirey bal ka warrama haduu inkirey midaan oo uu leeyahay taageerayaashanada ayaa fuliyey oo caraysan mana aannaan amrin annagu saw wax la yaab leh ma ahan, yaa marka dadka kusoo xirxirey bambooyinka qandiyada lagusoo tolay ma jinbaa usoo xirey, mise falkii baa hadda isaga la xumaadey, haduuse isagoo looga bartey inuu dhiigga shacabka ku qabaysto uu inkirey bal maxaan ku macneynaa? kii fuliyeyse muxuu daliishan oo alle la hortagi, hadiiba ninkii usoo xirey uu iska beri yeelay(waa haday jirtee)taasi waxay ku tusaysaa sida nimankaan itijaahu uga lunsan yahay ee wixii shalay ay banneynayeen uu maanta si kale u muuqanayo oo xaalkoodu yahay la jiifiyaaba bannaan, hadda ka hor ayuu beeniyey inay gaysteen qaraxii ay ku baabaeen ardadii dhakhaatiirta iyo aqoonyahadii waddanka ee lagu laayey hotel SHAMOW ,markaasaa la yaabkiisa uu hadalka aakhirkiisa uu isagu isku raddiyey oo uu ku sheegay hadal muujinaya inay iyagu ka dambeeyeen.marka sida abuu caishaba sheegay ha la siiyo duulkaan fursad mar uun way soo duubmi doonaan alle idamkiise.

  10. Salaamu Calaykum

    inaalilaahi wainaa ilaahi raajicuun waa mid ka mid musiiboouinka ku habsaday shacabka Soomaaliyeed wax badan bay culumada Soomaaliyeed ka digeen fikarka khawaarijta oo ay shabaab wataa balse lama fahmin walaahi hadaan shacabka Soomaali iska celin Shabaab in aysan ka deyneynin dilka iyo qarxinta ma raga dilay laba Sheekh ee kala ah Sheekh Maxamed Tahliil iyo Sheekh Dr.Ahmed xaji baa u daahaya wiilal wariyaal ah oo masaakiin ah umada gaalo bay u heystaan sidaas bay u qarxinayaan waxaana u fatwooday in la diro wariyaasha C/qaadir muumin iyo xudeyfaha jubooyinka xukuma ee dhiigooda ha loo raacdo

    wasalaamu calaykum

  11. Innaa lillaah wa innaa ilaah raajicuun, taasi waxa ay ku tusinaysaa sida uusan usii waari doonin fikirkaan caqiimka ah ee dhiigya cabka ah ee aan waxba u aaba yeeleyn, ilaahay sunantiisa waxaa ka mid ah inuu soo duubo dulmiga mahmaa kaana, ummadda soomaaliyeedna waxaan marag ma doonta ah inay muslimiin yihiin oo dhiigooduna xaaraam yahay, illaa qofkii kitaab alle iyo sunno nebi gaaleeyeen mooyee, maxaa loo daliishanayaa in dad masaakiin ah oo waxba aanan galabsan la xasuuqo oo dhiigooda sidaas lagu daadiyo,run hadii la sheegayo maa la raadsado gaalada waddanka lagusoo aruuriyey ee haddana laga sii qaxayo meel kastooy tagaan, waa la yaqaan meelaha ay joogaane ,why shacabkaan masaakiinta ah loo gumaadayaa, ma isleedahay jahaad baan ku jiraa oo dal baan difaacayaa iyo in markastoo gaaladu soo dhowaatoba lasii cararo oo shacabka loo daba maro dersin dersinna loo laayo…wallaahul-mustacaan, ma sidaas baa jihaad ah, aawey shiishaan aaway dawladdii talibaan ee qiimaha badneyd aawey aljeeriya, xagee bayse ku dambeeyeen jariska xoornimadii iyo iswaalkii masar lagu baabiiyey shacabkeeda ee dacwadii islaamka lagu duugay,ma laga dheefay waxaan ka ahayn in masaakiin la dhalan rogay oo maskaxda laga bedelay laga buuxiyey xabsiyada, 30,000 oo ducaad, culimo iyo wax ma galabsato ah ayaa xabsiyada masar laga buuxiyey inta la yiri dawlad islaam ah baan raadinaynaa oo meel kasta la qarxiyey,ma masjidbaa tiraah ma miskiin ma macallin baad tiraah ma maato waxba aan galabsan baa tiraahdaaq,taasoo tashwiih xun ku keentay sumcaddii islaamka iyo islaamiyiintaba illaa raggii waxaas ka dambeeyey ay cagahooda la baxsadaan oo fikirkii ay shalay masar ku gubeen inta la baxsadeen ay ummado abriyo ah hadana ku baabiiyeen, maantana ay waxa kaliya ee ay ku dedaalaan uu yahay sidii kaliya ee ay noloshooda ugu heli lahaayeen meel ay ku aamin noqdaan sidaas darteedna ay takhriibka iyo burburka meeshoodii kasii wadaan, ilaahayse fikirkoodii ma barakeyn oo masar waxaa kusoo laabanaya sharaftii islaamka iyo islaamiyiinta, ilaahayna maalin kaliya ayuu ka siibay daaquutkii kooxaha jar iska xoorka ah ay meel ay u maraan ay waayeen, taasi waxay ku tusinaysaa in nasriga alle uusan ku xirneyn una baahneyn diin lagu xadgudbo iyo in lays miineeyo oo takhriib wax lagu doono, inshaa allaahu soomaaliyana marbaa laga bixi doonaa fikirkaan mudammirka ah ee naxariislaawaha ah ee caruur cirroole culimo iyo caamo aan u aabo yeeleyn.

    intaas ka dib waxaa la yaab leh kuwa sida xoolaha u socda ee ummaddii soomaaliyeed dartood loo laynayo ee hadh iyo habeen kooxkooxda iyo group groupka u socda ee dhex fariisanaya masaakiinta caruurtooda biilkooda soo raadsatey, may bulshada meel uga baxaan ama at least is aruuriyaan si aan ummadda dartood loogu baabiin, wallaahi waxaan oran karaa waa waxashnimo iyo waxmagaradnimo ninka og in la raadsanayo ee waliba shalay loo dhaaranayey inbadan oo raggii isaga la mid ahaana hadda ka hor waddo uu garanayo ay mareen ee haddana maanta iyagoo kooxo isla socda ah soo dhex fariisanaya shacabka masaakiinta ee caruurta quutul-yoonkooda u furtay cooshadaha.waxaan oran lahaa marka oo aan la hadlayaa shacabka ka digtoonaada oo waxba ha la mucaamalina kuwa sida xoolaha u socda ee aan haba yaraatee naftooda dan ka lahayn, xataa xooluhu meesha maalin bahal wax ku qaatey waa ka digtoonaadaan mar kastoy marayaan, marka kuwaan digtooni iyo ilaalo kama muuqatee yeysan idin sahayanine markaad aragtaan iyagoo iska yaacaya oo sida hawtul hamuga u socda ka fogaada oo ogaada in aad iyaga dartood ku baxeysaan, kuwa iyagu raadsanaya ee miinooyinka isku soo rakibay maskaxba ma lahan oo waa dad la dhalan rogay oo brain washed noqdaye, hadiiba shalay cumar ibnu khadaab, cuthmaan ibnu cafaan, iyo cali ibnu abii daalib ( RCHM) dhiigooda janno lagu raadsaday qof soomaali ah oo maskiin maxaad u malaynaysaa ma biyaa loo kabanayaa…hadal waxaan kusoo koobayaa shacabkaan waaye waxa aan ka ooyayo ee aan cidina u maqneyn ceelna u qodneyn iyo arxanlaawayaasha ka dambeeya ee darsin darsinka u laynaya shacabkaan hoogga iyo halaagga kasoo daaley, marka ha feejignaadaan oo yaanay ku ag baabi,in kuwa iska socda ee warmoogayaasha ah ee la raadsanayo….fikirkan dhiigya cabka ahna wakhti uun weeye wuxuu sii jiro.

  12. walaahi dalkaan aad ayaan hadeer uga niyad jabay wax badan ayaan islahaa waxbaa isbadalaya dalkana dhinac ha uga bixin laakiin hadeer waxaan go;aansaday inaan iska aado Argentina

  13. waa musiibo umada ku habsatay,shabaab dhiiga ay daadinayaan waxay u tahay shabaab wax fiican, hadii ay dhiig daadin way qandhanaayaan.wax inay qalaan ama qarxiyaan mahane waxkale mayaqaaniin.Shacabka somaliyeed inay ku noolaadaan nabad iyo farxad sida ummada aduunka kale ugu noolyihiin waxa u diidan shabaab,nabad iyo farxad iyo hurumar ma ogola,intii dhimatay naxariistii janno allaha siiyo qaraabadoodana samir iyo iimaan.amiin,kuwa dhaawacana allaha caafiyo amiin,shacabka somaliyeed hadii aynan iska qaban khawaarijta waxan iyo wax kadaran ayey nagu sameen doonaan,insha,allah taas dhici meyso

Leave a comment

*