Golaha Dacwada Al-bayaan iyo Shirka Shuurada ee 10-aad oo ka dhacay magaalada Cape Town

September 17, 2012 - Written by

Waxaa soo dhamaaday shirkii shuurada ee Tobnaad kaasoo lagu qabtay magaalada Cape Town, iyadoo gudiyada laga dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan waxqabadkooda sanadkii la soo dhaafay.Golaha dacwada ee Albayaan waa gole balaadhan oo ka shaqeeya arrimaha dacwada tacliinta iyo wacyigalinta bulshada soomaaliyeed, wuxuuna leeyahay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen, xoghaye guud iyo Gole Shuuro, goluhu wuxuu ka howl galaa Afrikada Koonfureed, waxaana saldhig u ah Koonfur Afrika.

Wuxuuna maamulaa ilaa 19 masjid oo isugu jira kuwo waawayn iyo yaryar, 13 madaraso,  5 markaz oo si rasmi ah ay mulkigooda u leeyihiin umadda soomaaliyeed. Goluhu wuxuu leeyahay guddi fulineed oo si joogta ah u shaqeeya xafiisyo rasmi ahna leh iyo gole shuuro oo sanadkiiba mar ku kulma marba mid ka mida xurumaha waaweyn ee dalkan si loo qiimeeyo go,aamada la gaadho wixii fulay iyo wixii fuli waayay mudada u dhaxaysay labada shir,iyo waliba in lala xisaabtamo gudiga fulinta,turxaan bixinta dhaliilaha jira iyo jaangooynta miisaaniyad sanadeedka golaha oo dhan iyo gobolladaba.

no images were found

Hadaba shirka hadda dhamaaday oo ah kii 10aad qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

  1. Sii xoojinta howshii socotay.
  2. In la dhamaystiro maraakizta qabyada ah.
  3. In tayada  aqooneed ee ducaadda iyo macalimiinta sare loo qaado lana siiyo tababarro dheeri ah.
  4. In ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool dhulka amni ahaanta halista ah la siiyo wacyigalin joogta ah.
  5. In la xoojiyo xidhiidhka bulshada aan la noolahay shacab iyo xukuumadba.

Ugu danbayn waxaa xusid mudan in shirkanu uu ku soo aaday xilli isbadallo muuqda ay ku soo kordheen wadankeennii Somaliya.Golaha dacwada ee al bayaan wuxuu soo dhowaynayaa isbadalka siyaasadeed ee socda waxaanan la wadaagnaa dareenkaas  shacabka soomaaliyeed intiisa badan, waxaanan u dardaarmaynaa dhamaan dadka taladu ka go’do Alla ka cabsi  amaano, daacadnimo, caddaalad, naxariis iyo in  danta dadka iyo dalka ay ka hormariyaan danaha shisheeyaha, iyo wixii khilaaf ah ee u dhexeeya umadda Soomaaliyeed intii suurogal ah lagu dhameeyo wada hadal

Guud ahaanna umadda somaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel ay joogtaba in aan ka wada shaqayno sidii aan ku xaqiijin lahayn midnimada umadda iyo sidaan ku gaadhi lahayn dalkeena oo si kama danbays ah ugu madax banaan amnigiisa, siyaasadiisa iyo dhaqaalihiisaba.

Xafiiska Warfaafinta Albayaan

17 September 2012

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online