Golaha Wasiirada DFS oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho

September 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay arimaha Amniga, waxqabadka xukuumada, Qaban qaabada doorashooyinka Madaxweynanimada.

Ugu horeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay golaha wasiirada in xukuumada badbaado Qaran ay u qabsoomeen waxyaalo faro badan taasna cadaynteeda ay muuqato iyadoo maalmo kadibna ay qabsoomayso doorashadii Madaxweynanimada, arintaasna miraheeda ay leeyihiin dhamaan golaha wasiirada oo wada shaqayn iyo midnimo muujiyey.

Wasiirka Gaashandhiga ahna Ra’isul wasaare ku xigeen ayaa ka warbixiyey guulaha isdaba jooga ah oo ay gaareen ciidamada Qaranka, waxaana uu xusay wasiirku in meel gagabo ah ay marayaan howl galadii ka socday Gobolada Jubooyinka, Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in aad loo adkeeyey amniga  caasimada si looga hortago wixii khalkhal galin kara doorashada madaxweynanimada ee dhacaysa 10 bishaan aan ku jirno.

no images were found

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar daarmay in la sii wado wada shaqayntii ka dhaxaysay Golaha wasiirada kadib doorashada madaxweynaha waxuun sheegay Ra’iisul wasaarhuhu inay muhiim tahay in la dar-dargaliyo howlihii loo hayey qaranka inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo la wareegta shaqada hada hortaala golaha wasiirada.

– DHAMAAD –

Diraac Salaad Fagaase
Director Office of the Prime Minister

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online