Khudbadii Jimcaha ee Masjid Cumar Binu Khadhaab Qardho oo looga hadlay Filimkii lagu aflagaadeeyey Nebiga Mohamed.(NNKH)

September 17, 2012 - Written by

Waxaa khudbadii jimcaha ee Masjidka Cumar Binu Khadhaab ee magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar looga hadlay filimkii uu sameeyey ninkii Mareykanka ahaa uguna jeesjeesaayey Nabigeena Muxamed Nabadgalyo iyo Naxariiis dushiisa ha ahaatee. Filimkaan ayaa marka uu soo baxay waxaa ka caroodey dhamaan muslimiinta ku nool dunida kuwaas oo shucuurtooda ku muujiyey mudaharaadyo iyo rabashado ay la beegsanayaan safaaradaha reer galbeedka iyadoo culimadaana ay ka istaageen masaajida iyo dhamaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayna aad uga caroodeen waxa uu sameeyey Gaalkaas Mareykanka ah.

Culimada ku sugan Puntlland gaara ahaan magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayagoo ka jawaabaaya arinkaas foosha xun ayaa waxaa looga hadlay Khudbadii Jimcaha ee ka baxdey Masjidka Cumar Binu Khadhaab ayadoo khudbada uu soo jeediyey Ustaad C/fataax Cajab Ducaale ugana hadlay arinta hadda taagan oo filimkaan ah ustaad ka ayaa waxa uu khudbadiisa kusoo qaatey axaadiith iyo aayaad fara badan oo sheegay in la jeclaado Nabiga (NNKH) lana difaaco asagoo dhoor tusaale ka soo qaatey qaabkii ay saxaabada u jeclaayeen nabiga una difaaci jireen khudbada markey dhamaatey oo salaada la tuktay waxaa tacliiq kooban ka bixiyey Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada deegaanada Puntland sheekha ayaa sheegey in arintaan aan aheyn mid hadda bilaabaneysa ee gaalada caado ay ka dhigtey waxa ay afafkooda ku leeyihiina waxaa ka badan buu yiri sheekha waxa ay laabahooda qarinayaan sidaa daraadeed loo baahan yahay in la difaaco diintaan waxaana sheekha uu si gaar ah ula hadlay madaxda Muslimiinta ee caalamka uguna horeeyaan Madaxda Soomaalida inay arintaas wax ka yiraahdaan.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimaca ee Masjidka  Masjid Cumar Binu Khadhaab ee magaalada Qardho

[audio:https://halgan.net/Mp3/khudbada.mp3] Ama Halkan MP3

Hoos ka Dhageyso Tacliiqa Sh Fu,aad Maxamuud Xaji Nuur

[audio:https://halgan.net/Mp3/tacliiqakhudbadashfuaad.mp3] Ama Halkan Mp3

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc dadkani waa dhintay qalbigoodu ee wadaad allaw hays xabeebin, waase inaad gudataa waajibkaada baaraka laah

Leave a comment

*