Kismaayo oo la duqeeyey iyo Kenya oo ciidamo hor leh soo gelisay Degmada Afmadow

September 3, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Maraakiib laga leeyahay dalka Kenya ay duqeeyeen Dekkada Kismaayo iyo goobo kale iyagoo ku riday ilaa 5 gantaal oo aan ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka soo gaaray Maraakiibtii ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeedoo xiligaas taagnaa Dekkada. Gantaaladaan ayaa waxaa laga soo riday Maraakiib laga leeyahay dalka Kenya oo iyagu taagan goob aan sidaas uga fogeyn magaalada. Ciidanka ilaalada Dekkada Kismaayo ee ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay iyagu ku rideen maraakiibta duqeysay Magaalada qoriga loo yaqaan Suug oo ah qori lagula dagaalamo diyaaradaha.

Ciidanka cirka ee dalka Kenya ayaa waxaa ay magaalada Kismaayo iyo weliba degaanada ku dhow ay dulmarinayaan ilaa maanta diyaarado dagaal si ay cabsi iyo khalkhal  ugu beeraan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada iyo degaannada ku xeeran si dadku ay uga qaxaan waan u jeedada ugu weyn ee ay saaka Maraakiibta dowllada Kenya ay u duqeeyeen Dekkada Kismaayo. Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in ay jiraan dagaalo ka socda degaannada u dhexeeya degmada Afmadow iyo Kismaayo dagaaladaas oo ay ka qayb qaadanayaan diyaaradha dagaalka ee dalka Kenya.

Afhayeenka ciidanka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa saxaafada Kenya u sheegay in maraakiib laga leeyahay dalka Kenya ay duqeeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose walow uusan xusin khasaaraha ka dhashay duqeynta. Dhinac kale Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay soo geliyeen  magaalada Afmadow ciidamo fara badan oo wata  gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya ilaa 40 baabuur, ciidamadaan Kenyaanka ah ayaa waxaa la socda ciidamo ka tirsan  ururka Raaskaambooni oo uu guddoomiyaha u yahay Axmed Madoobe.

Ciidanka dalka Kenya ee la keenay degmada Afmadow ayaa waxaa  loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidanka huwenta ah ee duulaanka ku ah magaalada Kismaayo. Duqeynta saaka lagu qaaday Dekkada Kismaayo ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa iyadoo  diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeyn xalay ka geysteen deegaannada Birta-dheer iyo Jannaay-Cabdalla oo  Galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo .

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online