Kulan gaarka Ah oo Looga Hadlayey Arimha Soomaaliya oo ka dhacay New York

September 27, 2012 - Written by

New York:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Xooghaya Guud ee QM Baan-Ki-Moon ayaa shir gudoominayey kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey Arimaha Soomaaliya waxaana shirkaas ka soo qayb galay Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Xoghayaha Arimaha dibada ee Maraykanka, Wasiirka Arimaha Dibabada ee Turkiga, Maxaweyne ku xigeenka Ugandha,Xoghayaha Arimaha Siyaasada ee Midowga Yurub iyo Madax kale oo faro badan,waxaana kulankaas dhanka Stellate oo Muuqaal ah uga qayb galay madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xassen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka gaarka ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa khudbadiisa. “Waxaana hada rabnaa inaan dhisno Soomaaliya cusub si wixii soo khaldamay loo saxo dalkana loogu hogaamiyo hab ku dhisan cadaalad waxaan go’aansanay inaan dhisno Jamhuuriyadii sadexaad.waxaan hortiina ka xaqiijinayaa in maamulkayga cusub sanadaha soo scoda uu noqon doono mid ay ka muuqato isbadal la taaban karo,Waxaaan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa beesha caalamka oo aan marnba ka niyad jabin inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed oo mudo dhibaato ku soo jiray, waxaana dhawaan soo magacaabayaa Ra’iisul wasaare hogaamin doono dowlad faderal ah oo soo noolaysa kaabayashii dhaqaalaha, kala danbayntii iyo dib u soo celinta cadaaladda, waxaana maanta Soomaaliya ka jira isbadal dhaba ah sidaas daraadeed aduunkuna waa inuu badalo fikirkii ay ka haysteen Soomaaliya”

no images were found

Sidoo Xooghaya Guud ee QM Ban-ki-Moon ayaa shegay in hirgalintii  Raod map-ka ee ay ka dhalatay in Soomaaliya maanta leedahay Baarlaamaan Federal ah si dimuquraadiyad ahna loo soo dooratay madaxweyanaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud, Ban-ki-moon ayaa sheegay in Processkii Road map-ka oo dalka ka saaray KMG inuu ah mid ay u dhamayd dhamaan qayabaha kala duwan ee Soomaalida,  si looga dhabeeyo isbadalka siyaasadeed ee maanta kajira Soomaaliya waxaan qaban qaabinaynaa in bisha October la qaban doono shir ay isugu imaanaya hogaanka Soomaliya, UN, iyo AU kaas oo dib u eegis lagu samayn doono qaabkii ay u wada shaqayn jireen UN iyo Somaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirka soo xiray ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadaadii horumarka  kadib markii lagu guulaystay in dalka laga saaro KMG, Soomaaliya maanta waxay leedahay dowlad Rasmi waxaana caalamka looga fadhiyaa in uu dowladda cusub ee Soomaaliya ka taageeraan sidii loo hor marin lahaa arimaha bulshada, nabad galyada iyo dhaqaalaha.

DHMAAAD

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director.
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online