Madaxweynaha DFS Prof. Xassan Sh. Maxamuud oo ka hadlay qaraxii maanta.[War-saxaafadeed]

September 12, 2012 - Written by

Mogadishu:Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Xassan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii ay maanta ciidamada dowladdu fashiliyeen ee ay maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen hoteelkii uu degganaa, isago sheegay inaysan saameyn ku yeelan doonin ficillada noocaan ah howsha qaran ee ay masuuliyiinta dowladdu u hayaan shacabka.Isagoo ku sugan madaxtooyada qaranka, ayuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed askartii ku geeriyootay qaraxaasi ayagoo wajibaadkooda gudanaya.

Wuxuuna ku tilmaamay qaraxyada fal fashilmay hase yeeshee lagu doonayay in shacabka lagu niyad jabiyo.”Waxaan rabaa shac biga Soomaaliyeed inaan u sheego, waxaas maanta dhacay iyo wax kasta oo kale oo ka weyn oo dhaca annaga naga leexin maayaan waddadii aan ku taagneyn, diiraddeenuna ma ka weecaneyso ballantii aan qaadnay iyo Kutubkii aan gacanta saarnay ayuu yiri madax weyne Prof.Xassan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku sheegay in weerarka ay Shabaab soo qaadeen uusan waxba ka beddeli doonin is bedelka iyo dowladnimada uu dalku gaaray.

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo, wixii maanta dhacay wax ay ka beddelayaan nimaadka cusub, isbedelka cusub iyo dowladnimada cusub ma jiraan, Wixii wanaag ahaa ee horay loo soo qabtay ayaana halkeeda ka sii wadeynaa Cidamada ammaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ku boorriyay inay wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo nabadda ay soo hooyeen ciidamada qalabka sida ee waddanka iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Halkaan riix Warsaxaafadeedka Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud

 

Dhamaad

Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online