Madaxweynaha JFS Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay dilkii Xilibaan Mustafe

September 23, 2012 - Written by

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Xasan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii xaq dar ada ahaa ee xalay loo geystay mid ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed AUN Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay masuul qaran.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ku war galiyay in ay dardar-galiyaan sugida amniga, asagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu ku leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa si looga hortago dilalka guracan ee markasta loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka. Ugu dambayn, waxuu Madaxweynahu alle uga baryayaa Xildhibaan Mustafa Maxamed Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii uu ka tagay. Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

– Dhamaad

Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online