Madaxweynaha Masar oo ka amaanay Nabigeenii Maxamed صلّي الله عليه وسلّم xarunta QM(Daawo)

September 27, 2012 - Written by

New York:-Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa khudbad uu ka jeedshay aqalk QM wuxuuna khudbadiisa ku bilaabay  difaacidda nabigeena Maxamed  صلّي الله عليه وسلّم  isaga oo si geesinimo leh u sheegay in ay jecelyihiin cidii jecal Nabi geena Maxamed صلّي الله عليه وسلّم  ayna necab yihiin cid kasta oo neceb.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa sidoo kale ka sheekeeyey kacdoonkii lagu riday madaxweynihii ka horeeyey ee dalka Masar Xusni Mubaarak iyo in Masar ay ka xorowday kaligii talis. Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in la garab istaago Dowlladaha Afrika oo ay ragaadiyeen dagaalo iyo colaado joogta ah. Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa kale oo uu si qoto dheer uga hadlay dhibaatada dalka Falastiin iyo dalka Suuriya .

Madaxweynaha dalka Masar ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay garab istaagto dowlada Federaalka ee Soomaaliya

oo uu haatan hogaanka u hayo Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii uu ka jeedshay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi xarunta QM.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. asc dhamaan walaalaha muslimiinta ayaan salaama allaah ha xifdiyo al akhii muxamad mursi madaxweynaha jamhuuriyadi masar kalimadii qayimka aheyd ee uu ka jeediyay gaaladana ka hor cadeeyaya xabiibkeena aan jecelnahay rasuulkeena muaxamad s.c.w. alloow noo soo saar kuwa badano xaqa allaah subxaana watacaala iyo rasuulkiisa muxamad.s.c.w. ka hor cadeeya ku faarta .alloow xifdi muxamad mursi insha allaah diinta islaamka waa guuleeysaneysa gaalana waa duloobeeysa dhamaan muslimiinta habraano bi dini laah dhib waa laga baxa insha allaah asc

  2. Asc
    Mohamed Mursi,wuxuu leeyahay sifooyin qurxoon ka soo baxaysa kalsoonida mabda,iisa kaasoo ay ka muuqato caqli xor ah iyo hiigsi fog

  3. Waxaan ubaahanahay madaxweynayaal sida mursi ookale xaqa ucadeeya

  4. mashaa alaah waa cabqari isagookale aynoogu danbaysay waayo hore ibnutaymiyah raximahulaah ayaa laga wariyaa caaqilku maahan ninka shar iyo khayr kaladoortee caaqilku waa ninka kaladoorta laba shar ookalawayn oo ay lamahuraantahay inaad kaladoorato kii doorta sharta yar oo kataga sharta wayn ayaa caaqila runtii dunida muslimka ilaahay swt waxaan filayaa inuu wax wayn oo sibadal khayr qabaa kadamacsanyahay walaahu aclam

  5. alahu akbar alaha kuxifdiyo waa wax loo baahnaa in aad galada hortooda digriga ilaahay aad ku dul aqriso

  6. Alaahu Akbar Aloow ku xifdi kuna sug

  7. Kheeyr badan allaha siiyo madaxweeyne mursi wuxuu caddeeyay wax waqti dheer qaadanlahaa in la gaarsiiyo gaalada dhagahooda.Masar waa tusaale sida wax loo bedelo ummadahana loo hogaamiyo.wuxuu taabtaydhibcihii loo baahnaa midwalibana meeshiisuu dhigay,waxaa kuusoo baxaa raggaanoo kale markaad isdiyaariso.Inta dunida dulman neef ayaa kasoo boodday waxay kamuuqataa sida loogu sacbiyay.soomaaliya oo boqlkiiba boqol muslim ah ayaa la hogaamin la’yahay alloow saha umuuraha mursina kaalmee

  8. ASC ILAAHAY HABARAKEEYO MDAXWAYNAHA MASAR IYO RAGGA LAMID KA AH WUXUU BILAABAY TAARIIKH CUSUB OON DINIDA WAAYAN KADHICIN IN MEESHII ISLAAMKA LAGA SHIR QOOLAYEY UU KA CADEEYO XAQQA WUUNA CADAAN DOONAA INSHA ALAAH

Leave a comment

*