Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada DFS oo khudbado jeediyey

September 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa ka socda haatan Xarunta golahaa shacabka ee magaalada Muqdisho khudbado ay jeedinayaan qaar ka mid ah  musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya waxaana la filyaan in maanta ay jeedshaan ilaa 10 musharax

Waxaa ilaa haatan jeediyey khudbadahoodii Musharaxiinta kala Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ,Xuseen Khaliif Jaamac ,Max’ed Axmed Saalax iyaga oo musharax walba uu ka hadlay qorshahiisa iyo wax uu ka qaban doono dalka hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya .

Guddiga Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadeen in ilaa 25-musharax ay soo buuxiyeen shuruudihii laga rabay qofka u tartamaya xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya .

Musharaxiita maanta ka hor khudbeysay xildhibaanada DFS ayaa waxaa mid kasta la siiyey in uu ajandahiisa uga hadlo mudo 20 daqiiqo ah .

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada DFS ee lagu wado in ay khudbada jeediyaan maanta ayaa waxay kala yihiin
1-
Axmed Ismaaciil Samatar
2 Xuseen maxamuud Jaamac
3 Maxamed Axmed Salaad
4 C/llaahi Axmed Cadoww
5 Maxamed C/laahi Oomaar
6 Shariif Sheekh Axmed
7 C/wali Maxamed Cali Gaas
8 Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo
9 Salaad Cali Jeele
10 Cumar Salaad Cimi

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,795 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>