Musharrixiinta Madaxtinimada DFS oo Ololohoodii ugu dambeeyey ka wada Muqdisho.

September 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Musharrixiinta ayaa maanta xafiisyadooda waxaa ka jira mashquul kii ugu darnaa, iyadoona teleefoon diridda iyo fariin isu gudbinta ay heerkii ugu sareysay gaartay.

Sidoo kale Musharrixiinta qaarkood, ayaa waxaa loo saameeyey banaanbaxyo lagu taageerayo, iyadoona gawaari lagu rakibay cod baahiyaal iyo sawirada Musharrixiinta ay dhex meereysanayeen waddooyinka caasimadda Muqdisho, waxaana xamaasadda doorashada ay maanta ilaa iyo caawa aheyd mid aan caadi aheyn.

Sidoo kale waxaa Muqdisho, maanta ka dhacday xaflad balaaran oo lagu taageerayey Shariif Sh. Axmed, waxaana xafladdaas ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geeddi iyo Shariif Xasan Sh Aadan, kuwaasoo u ololeynayey Shariif Sh Axmed xil doonnimadiisa.

Dhinaca dadweynaha Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ayaa dareenkoodu ku sii jeedaa Muqdisho, iyadoona qof walba uu la xiriirayo cidda uu la xiriiri karo, isla markaana isku si ay wax u arkaan, waxaana intaas dheer sida Soomaalidu ula socoto warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyntii: maalinta berri ah ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dooran doonaan Madaxweynaha dalka, waxaana xilkaas u baratamaya ilaa dhowr iyo labaatan musharrax, kuwaasoo ku kala bixi doona halka ay codkooda ugu badan siiyaan xildhibaanada baarlamaanka

Halgan.net
Somalireal

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online