Qunsulkii hore Ee DFS u fadhiyey dalka Kenya oo xalay geeriyooday

September 19, 2012 - Written by

Waxaa  allaha u naxariistee xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya qunsulkii DFS u fadhiyey dalka Kenya Maxamed Cismaan Aden (Edson) Maxamed  Edson ayaa waxaa uu ka mid ahaa Musharixiintii u soo istaagay in ay xilka kula tartamaan Madaxweynihii hore ee JFS Shariif Sheekh Ahmed 2009kii .

Safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa xaqiijiyey geerida allaha u naxiistee Marxuun Maxamed Cismaan Aden (Edson)

Danjire Cali Ameeriko ayaa saxaafada u sheegay in qunsulkii hore ee DFS Maxamed Cismaan Aden (Edson) uu u geeriyooday xanuun baryahaan danbe hayey wuxuuna si rasmi u sheegay Danjire Cali Ameeriko  in qunsulka lagu aasi doono gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday qunsulkii hore ee DFS u fadhiyey dalka Kenya Maxamed Cismaan Aden (Edson) Tacsida uu diray Madaxweynaha Puntland ayaa nuqul ka mid ah waxay soo gaartay Halgan.net waxayna u qorneys sidan

TACSI: Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Inaa Lilaahi waa innaa Ilayhi Raajicuun. 

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dadka iyo Dowladda Puntland waxaan Tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamad Cismaan Aden “Edson” Qunsulkii hore ee Safaaradda Somalida ee dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi. 

Waxaan ILAAHAY Subxanahuu Wa’tacaalaa uga baryeynaa inuu Marxuumka ka waraabiyo Janadii Firdowsa, samir iyo iimaan-na ka siiyo dhammaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Aamin. 

Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole)
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Communications Office
The Puntland Presidency

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online