R.W DFS Cabdiweli Gaas Oo Dib Ugu Soo Laabtay magaalada Muqdisho(Masawiro)

September 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii QM ee magaalada New York iyo Shirar gooni gooni ah oo uu la yeeshay qaar ka tirsan Madaxda Caalamka.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Saraakiisha, Dhalinyaro, Haween iyo dadweyne aad u fara badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kula hadlay Warbaahinta wuxuuna ka warbixiyay Shirarkii uu ka soo qeybgalay.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta aniga iyo Waftigii aan horkacayay dib ugu soo laabano dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaana ku maqneyn oo aan ka qeyb galney Shirkii QM ee looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya iyo Shirar kale oo aan gooni gooni kuwada qaadanay qaar ka tirsan Madaxda Caalamka. Waxaana ka wada hadalney Isbedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya  waxayna noo sheegeeno sida ay diyaarka ula yihiin iney garab istaagaan Dowladda Cusub ee Soomaaliya, Waxeyna sidoo kale soo dhaweeyeen Madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”.

no images were found

Wuxuuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha u hambalyeeyay Ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM guulihii ay ka gaareen Magaalada Kismaayo iyo sida wanaagsan ay u badbaadiyeen Shacabka reer Kismaayo.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday Fatahaada Wabiga Shabelle taas oo ay ka dhasheen khasaarooyin badan waxana uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaalmooyin deg deg ah gaarsiin doonto magaalada Baladweyn, wuxuu sidoo kale baaq u diray Hay’adaha Gargaarka inay gacan ka gaystaan masiibada ku habsatay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan..

DHAMAAD

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online