Ra’iisul W. Gaas oo kulamo laqaatay Xooghayaha guud ee Ururka Islaamka Iyo Wasiirada Arimaha Dibada ee Denmark.

September 28, 2012 - Written by

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulamo gooni gooni kula qaatay madax kala duwan xarunta QM ee New York waxaana ka mid ahaa Wakiilka Bangiga Aduunka u qaabilsan Somaaliya, Sudan, iyo South Sudan, Wasiirada Arimaha Dibada ee Dermark, Xooghaya Guud ee Ururka Islaamka waxayna ka wada hadleen xaaladihii ugu danbeeyey ee Soomalaiya iyo sidii loogu taageeri lahaa dowlada cusub barnaamijkeeda siyaasaded.

Ra’iiusl wasaraha ayaa kulan la qaatay Wakiilka Bankiga Aduunka ee Soomaaliya, Sudan, And South Sudan, waxayna isla soo qaadeen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dhaqaalaha loona dar dargalin lahaa howlaha Bangiga ka wado dalka, wakiilka ayaa sheegay in ay soo hagagayso xaalada nabadgalayada sidaas daraadeedna uu Bankiga Aduunka dib uga howl gali doona gudaha dalka sanadka soo socda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada ee Dermarka wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu uga warbixiye marxalada dalka uu marayo isagoona sheegay in Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumar dhanka siyaasada ah taas oo aan dhicin in kabadan 45 sano, waxaa kale Ra’iisul wasaaruhu uu sheegay in dhanka nabad galayada wax weyn laga qabtay lagana xoreeyey qaar ka mid ah gobolada dalka Ururka Al-shabaab dowladuna ku howlantahay barnaamijkii lagu xasilin lahaa Goboladaas.

Wasiirada Arimaha Dibada ee Dermarka ayaa dhankeeda cadaysay in ay balaarin doonaan taageeradii ay siin jireen Soomaliya waxayna balan qaaday in Dowlada cusub ee Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhanka Dhaqaalaha iyo Siyaasada.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la qaatay Xooghayaha Guud ee Ururka Islaamka Prof: Ekmeledin Ihsanoglu waxayna isla soo qaadeen sida wadamada Islaamku gacan uga gaysan lahaayeen xasilnta iyo dib-u-dhiska dalka waxaana Ra’iisul wasaaruhu uga mahad celiyey dalalka Islaamka sida deeqsinimada leh oo ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyee wuxuun ka codasaday Ururka Islaamka in looga fadhiyo inay qayb libaax ka qaataan sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

 

>>>>DHAMAAD<<<<

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online