Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Gaas oo gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo

September 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka. 

Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta. 

Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa. 

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada. 


—Dhamaad—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,781 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>