Raisulwasaarihii hore ee DFKM Pro.Cali Maxamed Geedi oo Muqdisho soo gaaray

September 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaarahii hore ee DFKM Pro. Cali Maxamed Geedi ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Pro.Cali Maxamed Geedi ayaa Raisulwasaare ka soo noqday dowladii uu madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf Ahmed .Raisulwasaarihii hore ee DFKM ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Aden Cadde waxaa uu hadal kooban siiyey saxaafada wuxuu sheegay in ujeedada uu u yimid magaalada Muqdisho ay tahay inuu uu ka mid noqdo Musharaxiinta ku loolamaya  xilka Madaxweyninimo ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFKM Pro.Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay hadii loo doorto xilka madaxweynenimada ee dalka Soomaaliya in uu wax ka qaban doono xaalada dalka uuu marayo wuxuuna si gaar ah u xusay amaanka guud ee dalka

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,783 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>