R/W JFS oo Kulamo Kula Qaatay Garoonka Aden Cadde Wafuud Caalami Ah.

September 16, 2012 - Written by

Muqdisho, September 16, 2012) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaarahada ee Adan Cade masuuliyiin kala duwan kuwaas oo u yimid sidii ay ugu qayb gali lahayeen xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay wafuud kala duwan oo ka kala yimid Ururo Caalami ah iyo Dowlado waxaana ka mid ahaa, Madaxweynaha Jabouti, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ugandha, Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Qadar, Lataliyaha madaxweyanah Suudan, Gudoomiyaha Midowga Africa, Wakiilka Qaramada Midoobaye ee Soomaaliya, Wakiilka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Ururka IGAD, Midowga Yurub iyo marti sharaf kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Jabuuti Mudane: Ismaciil Cumar Geele, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Atto; Hailamriam Desalegn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Mudane: Bakir Bosdaq, Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Mudane; Jean Ping, iyo masuulinyiin kale iyagoona salaan sharaf ka qaatay Ciidanka Baambayda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

no images were found

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulumo kula qaatay qaybta VIP ee Garoonka Diyaaradaha masuuliyiinta u timid ka qaybgalka xaflada waxayana ka wada hadleen marxalada dalka uu marayo iyo sidii iskaashi loola samayn lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto.
Khudbadii_Raisulwasaare_Cabdiweli_Gaas

Xafiiska Raisulwasaare Cabdiweli Gaas
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online