Safiirkii dalka Mareykanka u Fadhiyey Libya oo dhintay iyo Banaanbax ka socda Libya iyo Masar

September 12, 2012 - Written by

Qaahira:-Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo film lagu aflagaadeeyey Nabigeeni Maxamed NNKH ayaa waxaa uu ka socdaa dalalka Libya iyo  Masar waxaana dab la qabadsiiyey Safaaradaha iyo Qunsulka wadamada Libya iyo Masar.

Dadweyne gaaraya kumanaan oo ka careysan film lagu aflagaadeeyey Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ayaa xoog ku galay safaarada dalka Mareykanka  ku leeyahay wadamada Libya iyo Masar waxayna dulka soo dhigeen calankii dalka Mareykanka.

Filimka wax looga sheegayo Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ayaa waxaa sameeyey nin Baadiri ah oo ka soo jeeda dalka Masar oo oo haysta diinta baadilka ah ee Kirishtaanka wuxuuna ka mid yahay jilayaasha ruwaayadaha .

Banaanbaxyada ka socda wadamada Libya iyo Masar ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay safiirkii dalka Mareykanka u fadhiyey wadanka Libya ka dib markii lagu gubay xafiiskiisa waxaana calanka uu ku qoran yahay Tawxiidka laga taagay Qunsuliyada dalka Mareykanka ee ku taal Libya iyo safaarada Mareykanka ee dalka Masar

Hoos ka Daawo Banaanbaxa ka socda Magaalada Qaahira ee dalka Masar

Daawo Sida loo gubay Safaarada Mareykan ee dalka Libya

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online