Hordhac muxaadarooyin taxane ah uu jeedin doono Sheekh Cabdiraxmaan Abyad (Dhageyso)

September 27, 2012 - Written by

Sh.C/raxmaan Abyad  ayaa caawa muxaadarooyin taxane ah ka bilaabay Masjidka Al-tawxiid wuxuuna Sheekhu cinwaan uga dhigay muxaadaraadkiisa taxanaha ah رفع الشغب والجدل  عن المسائل العلمية في محاضرة “فكر الخوارج” للشيخ أمل waxaa uu Muxaadarada caawa sheekhu ku soo bandhigay muqadi mada ama hordhaca muxaadaradiisa Muxaadarada Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa caawa wuxuu si qodobeysan u dulistaagay muxaadaraad uu jeediyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal taas oo uu ka jeediyey Masjidka Abu bakar iyada uu Sh Xasan ka jawaabay muxaadaraadka Sheekh Umal.

Sh Cabdiraxmaan Abyad ayaa ku booriyey dadka muslimiinta ah gaar ahaan Dalabad cilmiga in ay  alle laga baqo oo qofka wax uu sheego uu ogaado in ay xisaab ka danbayso waxna aysan tarayn in qofku uu ku dhaganaado mowqif khilaafsan shareecada  ka dibna ay sabab u n0qoto in uu wax walba oo xaq ah uu ka indho laabto.

Sh Cabdiraxmaan Abyad ayaa waxaa uu ku xusay Muxaadaro gaaban oo hordhac oo uu caawa jeediyey in u jeedadda muxaadaradiisu ay tahay in Muxaadaradii Sh Xassaan Xuseen uu jeediyey ay ku jirtay  hadalo badan oo ay dadka gaar ahaan Dalabada cilmiga ay u qaadan karaan in cilmi badan la sheegay ka dibna ay arrinkaas ku kadsoomaan loona baahan yahay in la iftiimiyo ama la dulistaago.

Sh Cabdiraxmaan Abyada ayaa xusay in muxaadaradii uu jeediyey Sh Umal laga sheegay wax badan oo uusan Sheekhu oran loona tiiriyey Shiikhu Umal arrinkaas oo ay haboon tahay in la bayaamiyo si ducaada iyo dadka kaleba ay u arkaan , Shiikh Cabdiraxmaan Abyad ayaa sheegay in muxaadaradaan uu geli lahaa waqti hore balse safaro uu galay ay dib u dhacday balse alle mahadiis ay tahay in alle u fududeeyey hadda.

Sh Xassaan Xuseen ayaa dhowr xalqo oo muxaadaraad ah  uu sheegay in ay jawaab u tahay muxaadaraadkii Shiikh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu ugu magacdaray القول الأمين في صدي العدوان المبين  oo loola jeedo  ‘Hadalkii amiinka ahaa ee radinaayay Cadaawadii Cadayd” haddaba Muxadaarad Sh  Xassan Xuseen ayaa waxaa dul istaagay Sh Cabdiraxmaan Abyad oo sheegay in ay muxaadarada Shiikh Xasaan ay uga soo baxeen arrimo badan oo u baahan in la bayaaniyo isagoo Shiikhu uu xusay inuu arrimahaas uu ku soo bandhigi doono muxaadaraadkiisa si dadka dalabada cilmiga ah ay ula socdaan Masaa’isha diiniga ah ee la isku hayo oo ah.

1- Gaalaysiinta dadka muslimiinta ah

2- Amaanada cilmiga waa qaabka uu qofku u soo rarayo culimadii hore ee Salafka aqwaashooda.

3- In Aqwaasha culimada laga leexiyo dariiqoodii ama lagu been abuurto.

4- Gaalaysiinti Jamaacad Ictisaam jawaabtii uu ka bixiyey Sh Xassan Xuseen.

5- Jamaacadii Takfiir , Sh Maxamed Cabdi Wahaab iyo wax uu ka yiri Sh Xassaan Xuseen.

6- Aqwaashii culimada uu ka soo raray Sh Xassaan Xuseen dulistaagooda.


Hoos ka Dhageyso Hordhicii Muxaadaradii uu Sheekh C/raxmaan Abyad ka jeedshay Masjid Al-tawxiid
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/muqadimo.mp3] Ama  Halkan MP3

N:B waxaan ka cudurdaaraneynaa daahitaanka Muxaadarada Sheekh C/raxmaan Abyad cilad xaga seerfaha ah awgeed ilaahay ha nagu anfaco xaqa dhinaca uu jirana ha nagu hanuuniyo Aaamiin.


Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. jazalaahu khayra kulu min sh c/raxman wa halgan
    walalayaal muxaadaraadkii kale ee sheeekha aaway mise wali muusan qaban qaybtii kale

  2. جزاه الله خيرالجزاء وأحسن أليه ونشكرشيخنا علي جهده ودفاعه بالعلماء

  3. asc wr wb
    ikhwani juzitum khayran shaqada badan aad haysaan awalaan.marka labaad maxaa ku dhacay muxadarooyinkii shiikheenu iclaamiyey bal hadday dib u dheceen iyo hadday baaqdeen walaalaha badan ee sugaya ma u sheegi kartaaan insha allah. mar labaad ilaahay abaalkiina khayr badan ha ka dhigo. wsc wr wb

  4. maasha allaah
    sh xabdiraxmaan abyad alloow qeeyr kusii waankugu naqaanaah xaqa iyo difaaciisa adiga iyo sheeyq umal iyo sheeyq shibile xafidakumulaah wa aktharalaahu amthaalakum

  5. Jazaakumullaahu Khayran Halgan waad halgamaysaane xaggee iyo qaabkee maqaallada idiinku soo qornaa?

  6. Salaamu Calaykum
    Mashaalaaaaaaah Sheekh C/raxmaan Abyad ilaahay ha xifdiyo iyo Halgan.net dowrka ay ka geystaan sixitaanka dhalintii saxwada Islaamka ilaahay khayrka ha na waafajiyo

  7. walaalaha waxaan ka codsaanyna inay soo geliyan codka muxadarada, tan iyo shalay baaanu sugaynay , please respond

  8. Asc,
    walaalaha halgan.net waad ku mahadsantihiin
    sida wanaagsan aad u gudadaan ammaanada saxaafadda IYO TAN DACWADA.

    Allah ha idin xifdiyo adinka,awlaadiinnaba, jannatul fardowsana ha idinka waraabiyo.

    Waa muhiin in dalabatul-cilmigu ka faaiideystaan dooda culimada iyo masaaisha ay isku hayaa. Si uu xaqqu Ugu cadaado.

    Intaas kadib waxaan idinka codsaneynaa in aad noo soo
    gudbisaan sheikh Cabdiraxmaan Abyad muxaadaraadkiisa oo cod ah A.S.A.P

  9. Asc xaqiiqdajirta waxay tahay Xassaan sidu xerow u ahaa ayuu saxwada dacwada ku soo biiray usluubtii dacinimada aya ka maqan waxad moda nintartan aqonedkujira kolbo wadaad ayuu iskutagi wuxuu ku dadala inuu ceebeyo culumo asagana is xayisiiyo lakin goor dhaw indahiisa iyo dagahiisa ayaa macalin u noqon doona

  10. A.s.c. shaqaalah. Halgan ilahay ha idin danbi. Dhaafo. Waxaa. Codsanyaa. In lasoogaliyo maqalka maxaadirada a.s.c.

  11. maashaa allaah sheekh c/raxmaan ilaahey ha ku barakeeyo waad kusoo baxdey sheekhaas sheekh xasaan ee wixii ugu horreeyey ee uu kusoo caanbaxay ay noqotay inuu walaalihiisii uu wakhtiga la soo qaatay xerada ka saaro oo gaaleysiiyo, ka dibna dhiigooda banneeyo shacabka soomaaliyeed iyagu iskaba daaye, dhab ahaantii aad ayaad noogu iftiimisay muxaadaraadkii hore ee aad ku dul istaagtey masaail badan oo shaki iyo qumuud uu geliyey sheekh xasaan ,weligeedna wax la illoobi karo ma ahan sidii aad u waadixisay aqwaashiisii uu marada saarayey, khaasatan mas,aladii uu jamaacada ku gaaleeyey wax aysan oran illaa imikana uusan ka jawaabin keeninna wixii laga codsaday ee ahaa in uu meel uun ku sheego halka ay jamaacadu shey ay kufri ku sheegtay ay ku banneysay horta waa pointiga ugu weyn ee aanan illoobeyn, iyo tan kale waxa uu ku dhisay oo ah wax uu isagu u fasirtey qawlkii jamaacada ee ku jirey duruustii manhajka ee sheekh bashiir akhriyey, iyo sidoo kale xujadii aad ku oogtey ee aad soo naqlisay aqwaasha culimada ee uu si kale u fasirey ka dib markuu ka kala tegey oo kala gooyey, iyo sidoo kale sidii uu u xujoobey ee wax uga dhihi waayey aqwaashii qaar ka mid ah culimada ee ku tusinayey inay wax ay u arkayeen kufri ay haddana maslaxo ahaan ku banneeyeen sida mid ka mid ah culimada ay isku ologga yihiin aad ka soo guurisayba (abuu mundir alshanqiidi), iyo sidoo kale sheekh imam alnawawi iyo culimadii kaleba ,runtii waa ku xujoobay taas ilaahayse waxba oogama aabeyn inuu kasoo jawaabo oo wuxuu ku sii adkeystey hadalkiisii, ilaahay ha ku xifdiyo sheekhana adiga iyo culimada kale ee difaaca u noqotey sunnada iyo xayaabo tirkeeda, marka si fiican noogu iftiimi waxyaabaha badan ee daaha saaran, wa jazaakumullaah kheyr…

Leave a comment

*