Ururka Raaskambooni iyo ciidanka AMISOM oo guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay J/hoose

September 12, 2012 - Written by

Kismaayo:-Gudoomiyaha  ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Ahmed Madoobe)ayaa ka warbixiyey dagaalo culus oo shalay galinkii danbe ka dhacay deegaanka Miido ee duleedka Degmada Afmadow mar uu saaka wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC.

Ahmed Madoobe ayaa sheegay in ay kaga dhinteen dagaaladii shalay ka dhacay gobalka J/hoose 3 askari 6 kalana ay kaga dhaawacmeen wuxuuna sheegay in uu haatan ciidamadooda ay ku sugan yihiin inta u dhexeysa Biibi iyo Xarboole .

Gudoomiyaha  ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Ahmed Madoobe)ayaa dhanka kale hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna alle uga baryey in xilka alle u fududeeyo.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Ahmed Madoobe) ayaa dhanka kale eed u soo jeediyey hogaanka Ururka Al-Shabaab ee gobalka J/hoose wuxuuna ku eedeeyey in ay kala qeybinayaan qabaa,ilka degan gobalka J/hoose si ay uga dhaadhiciyaan duulaanka ku wajahan Kismaayo in uu ku wajahan yahay qabiilo gaar ah taas oo uu beeniyey Ahmed Madoobe.

Hoos ka Dhageyso Wareysigii BBC la yeelatay Gudoomiyaha  ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam
[audio:https://halgan.net/Mp3/Ahmed_Madoobe.mp3]

Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay shalay la wareegeen deegaanka Xarboole uu 6km u jiro deegaanka Miido halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus oo ay qeyb ka ahaayeen diyaarado dagaal ay leeyihiiin ciidanka Kenya.

Taliyaha ciidamada AMISOM, General Andrew Gutti  ayaa ku faanay in ciidamada AMISOM ay qabsadeen deegaanka Xarboole ayna sii wadi doonaan dagaalka ay ka wadaan gobalka J/hoose.

Guulaha ay sheeganayaan ciidamada Ururka Raaskambooni iyo AMISOM ayaan jirin cid xaqiijin karta iyada oo ay aad u liidato isgaarsiinta goobaha ay ka socdaan dagaalka.

Ma jiraan ilaa haatan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab óo ka hadlay guulaha ay sheegteen Ururka Raaskambooni iyo AMISOM .

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ilaahey ummada Soomaaliyeed ee Jubada hoose ku nool nabada ha u soo celiyo. kuwa dhibaatada ku hayana ha ka qabto…Aamiin

Leave a comment

*