Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Garoowe

September 23, 2012 - Written by

Waxaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan iyo wafdi uu hogaaminayo. Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxda ugu saraysa ee dowllada Puntlland.

Wafdiga uu hogaaminayo Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan ayaa waxaa ay u gudbeen  Xarunta Madax tooyada ee Puntlland waxaan ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubno ka tirsan 2-da Gole ee dowlada Puntlland.

Kulan dhexmaray  Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan iyo Madaxweynah Puntlland ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan iyo Xaalada Puntlland. Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo saxaafada uga waramay kulankii dhexmaray isaga iyo Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan in uu ahaa mid is waraysi ah iyo kala warqaadasho ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub EU Puntlland iyo Soomaaliya.

Faahfaahinta warka dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online