Wareega 3aad ee Doorashada Madaxweynaha DFS oo La soo gabagabeeyey

September 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa haatan soo gabagabowday Wareegga Seddexaad ee tartanka doorashada Madaxweynaha DFS waxaana haatan la furayaa Santuuqii iyada oo la tirinayo codadka Xildhibaanada DFS ee u kala codeeyey labada musharax ee isku soo haray oo kala ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed.

Waxaana la wada saadaalinayaa in uu ku soo baxo Madaxweynenimada DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan u cadcad balse lama hubo meesha ay ku danbeyso cod tirinta  haatan Socdta.

Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kor u dhaafay 100 halka Madaxweynihii hore uu marayo 44 cod waxayna u badan tahay in Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleysto madaxweynenimada DFS.

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ilaah hasugo Xasan sh. Maxamed waa weji cudub manaqaan

Leave a comment

*