Wariye Axmed Cabdullaahi Faarax oo lagu dilay magaalada Muqdisho

September 28, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa Allaha u naxariistee saaka lagu dilay magaalada Muqdisho wariye u shaqayn jiray Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yeman, wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Faarax isagoo xiliga la dilayey marayey Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay ayaa waxaa  dilay dhalinyaro hubaysan oo markii ay dilka u geysteen ka baxsaday goob, dilalka wariyaasha lagula kacayo ayaa waxaa ay  maalmihii la soo dhaafay ay ka noqdeen magaalada Muqdisho Tusbax go,ay.

Ilaa hadda ma cadda kooxda abaabulan ee dilalka qorsheysan ka geysta magaalada Muqdisho kooxdaas oo dilalka noocyo kale duwan u filisa ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegtay dilalka wariyaasha balse waxaa jira tuhun ay Bahda saxaafadu qabto in koox gaar ah ay dilalka kula kacaan Wariyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online