Wiil uu dhalay Sh.Nuur Baaruud Gurxan oo Muqdisho lagu dilay
September 17, 2012 - Written by
Allaha u naxariistee waxaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho wiil uu dhalay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ay dileen koox hubaysan oo aan la aqoon haybtooda , Maxamed Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqayn jiray waaxda amniga gaar ahaan dhinac dhaqaalaha.
Maxamed Nuur Baaruud ayaa waxaa dhalay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenka hay.adda Culimada Soomaaliyeed kana mid ah culimada soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Maxamed Nuur Baaruud Gurxan ayaa la filayaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net

.gif)

