Wufuud ka socta hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga Turkiga oo Boosaaso soo gaaray

September 29, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa galabta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Wafdi ballaaran oo ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Turkiga (TIKA) waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyey wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdi Warsame , guddoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Puntland

Wafdiga Balaaran ee ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa waxaa horkacaya isku duwaha hay’adda TIKA u qaabilsan Soomaaliya, Abdulahad Kokdagi waxaana uu sheegay markii uu ka soo degay Boosaaso in ay Mashaariic badan ka fulin doonaan Deegaanada Puntland.

Wasiirka caafimaadka Dowlada Puntland Dr. Cali Cabdi Warsame ayaa saxaafada u sheegay in wafdiga ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga Turkiga ay sugayeen mashaariic kala duwana ay ka fulin doonaan Puntland wuxuuna u mahad celiyey dowlada Turkiya.

Wafdiga ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa ku sugnaan doonaa Puntland iyaga oo socdaal kala duwan ku tagi doona deegaanada Puntland iyaga oo u kuurgali doona baahida dhinaca horumarinta ee ka jirta Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online