Abu Mansuur Al Amriiki oo marka kale soo diray Qeylo dhaan kale (Daawo)

October 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa lagu baahiyey Mareegaha Al-Qacida Taageersan Cajal kale oo uu ka soo dhexmuuqaday Abu Mansuur Al-Amriiki isaga oo cajalka uu yahay Risaalo ama qeylo dhaan uu u diray Abu Mansuur Al-Amriiki Madaxyaweynta Al-Qacida wuxuuna ka codsaday in laga soo gaaro khilaafka ka dhexaloosan Muhaajiriinta ku sugan wadanka Soomaliya.

Abu Mansuur Al-Amriiki ayaa waxaa kale oo uu ka waramaya in khilaafka ka dhexaloosan gudaha Muhaajiriinta uu sababay in qaar la dilo qaana la qabto .wuxuu kale oo sheegay in khilaafka ka dhexaloosan muhaajiriinta uu sababay in qaarna la xiro qaarna la dilo.

Abu Mansuur Al Amriiki ayaa waxaa uu si cad u sheegay in khilaafka uu sabab u yahay ka dib markii ay rag ka mid ah Al-Qacida  ay gaar la noqdeen hogaankii Jihaadka ka socda Soomaaliya wuxuuna si gaar ah u soo qaatay Abu Dalxa Al Sudani,  Abu C/laahi al Sudani,  Abu Mansour Al Bayxaani, Sheekh Saaleh Cali  Nabhan, iyo  Abu Fadl al Qamriyi oo dhamaantood ahaa hogaanka saraakiisha Al-Qacida ka howlgasha Soomaaliya.

Abu Mansuur Al-Amriiki ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Ururka Al-Qacida ee ka dagaalama dalka Soomaaliya waxaana uu hada ka hor soo diray cajal uu ku sheegayo in xaaladiisa ama naftiisa ay ku jirto khatar uuna ka baqayo in ay dilaan Ururka Al-Shabaab.

Cajalkan u danbeeya ayaa waxaa uu duubay Abu Mansuur Al.Amriiki ka dib marki la dilay Saalix al-Nabhaan sida ka muuqata waxaana uu diray codsi qoraal ah hogaanka Al-qacida isaga oo ka codsanaya in laga soo gaaro Muhaajiriinta ku sugan iyo Ansaarta gudaha dalka Soomaaliya.

Hoos ka daawo cajalka Cusub ee uu soo diray Abu Mansuur Al Amriiki oo lagu Faafiyey Internetka 19 okt 2012

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale Cajal muuqaal ah oo uu leeyahay waxaa lagu faafiyey barta Internetka isaga oo sheegay in naftiisa uu uga baqayo Ururka Al-Shabaab waxaana la faafiyey 16 mar 2012 balse Al-Shabaab ayaa sheegay in Alamriki uu badqabo lana joogo walaalihiis

Hoos ka Daawo cajalkii Hore ee Abu Mansuur Al-Amriiki uu ku sheegay in Al-Shabaab ay dilayaan

A/Cawale
Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. هذا دأب الخوارج والتكفير لا يعرفون من دين الله شيأ وقريبا سترون وهم يكفر بعضهم بعضا ويقتل بعضهم بعضا اللهم انا نجعل في نحورهم ونعوذ بك من شرورهم

  2. kkk alah ha is ku dhameyo waxasna wa bojo lkn waxan jeclan laha inu ale soo dadajiyo dhimashadoda iyago ben kashegey dintena hlagayna umado bdn o somalia maxu u cabsana so shalay mulahayn jano alagala haduse dhantana janada miyuna adayn

  3. Waacajab madhabaa arintani mise barobagaandho.hadaydhabtahay alqaacida lalaynayo eeka midyahay miskiinka maraykanka ah ecalaacalay culimada somaaliyed ha isudhiibo

  4. soomaalidu waxay tiraahdaa “xaq feedhaha ayuu ka dillaacaa” waa ilaahay mahaddii horta haddii wixii culimadu ka qaylyeysay inbadan ee dhiigooda lagu banneystey maanta ay kuwii loo digayey afkooda ka qirayaan, dhibka ay alshabaab iyo alqacidda soomaalida ku hayeen waxaaba ka daran dhibka kooxdaan jihaadiyiinta isku sheegay ay isku hayaan iyaga dhexdooda, sh axmed c/samed muxaadaraadkiisii dib u dhegeysta uu qabtey markii ay dileen alshabaab sh dr axmed c/raxmaan(raximahullaah)aad iyo aad ayuu ugu faahfaahiyey in dhib badan ka dhex jiro iyaga dhexdooda oo ay islaayaan si qarsoodi ah, taasina waa caddahay cid kastoo iska dheg weyneyd oo waxba aan ka warqabini shaahid bay u tahay maanta.
    MURTI SOOMAALIYEED:
    Waxaa la yiri beri ayaa waxaa cuntada laysugu deri jirey caruur walaalo ah oo ka kooban dhawr wiil iyo hal gabadh, gabadhuna mid gurran badan oo hunguri daran ayay ahayd, mar kastoo cuntada lasoo dhigo oo cunidda lagu bilaabo ayaa gabadhu waxay bilaabi jirtey guryan, qambi iyo hiifid ay walaalaheed hiifayso oo kolba mid jug ka siinayso iyadoo iska dhigaysa in wiilashu raashinka ka boobayaan, dabadeed aabahood oo inta badan safar ku maqnaan jirey ayaa waxaa la yiri maalinkii dambe guriga yimid, sidii caadada ahayd ayaa qadadii caruurtii walaalaha ahayd hooyadood raashinkii isugu dartey, markaasaa tii gabadh ahaydna sheekadeedii guryanka iyo qambiga ahayd bilawdey duqii maalinkaas waxa dhacaya waa maqlayaa laakiin waxba kamaanu oran, maalinkii labaad ayaa sidoo kale odaygii wuxuu hadana maqley gabadha guryankeedii iyo wiilasha ay kolba mid ku boodayso, markaasaa inta islaantii canaantey uu u sheegay in aysan maalin dambe gabadha wax la siinin wiilasha oo ay gooni iyada cuntada u siiso, sidoo kale wuxuu canaantey wiilashii isagoo aan waxba ogeyn oo moodaya inay gabadha gacan bidixeynayaan, intaas ka dib maalinkii sadexaad ayaa iyadii qadada gooni loo siiyey oo qol halkeer ah oo cidla ah la gashey ka dibna waa caadadeede waxay bilawday guryan keligeed ah iyo qambi ay kolba weelkii meel kaga boodayso oo daldalmeyso illeen waa dhalamade, dabeed waxaa guryankeediiiyo qubucqabacdeedii maqley odaygii reerka aabaha u ahaa oo isagoon wax hubsanna qolkiisii kasoo boodey oo islaantii qeylo kula boodey isagoo leh ” heedhe saw kumaan oran gabadha iiga daa wiilasha aad wax la siinayso” saa islaantii oo isberi yeeleysa ayaa ugu jawaabtey ” war heedhe horta wax hubso oo ruuxaan waa keligeed oo iyadaa isla guryameysee adiguba eeg” odaygii inta xagii gabdha u dhaqaaqey ayaa markii uu arkey inay keligeed tahay ayuu inta yaabey iska soo laabtey dabeed wiilkii wiilasha u weynaa ayaa aabihii ku yiri ” AABE WAXAY ANNAGA NAGU HAYSAY AYEY KELIGEED ISKU HAYSAAYE HORTA NALA ARAG” halkaasaa odaygii wax ku garawsadey. waxaan taas ula jeedaa alshabaab iyo alqaacidda waxay ummadda soomaaliyeed ku hayeen ayay iyaguna isku hayaan, marba marka ka dambeysana way soo bixi doontaa waxa dhimman ee qarsoon ayaana ka badan ee idinku ninkii cimrigiisu gaarsiiyo waxyaabo badan oo qarsoonaa ayuu arki doonaa sidii uu ninkii shaacirka ahaaba hore u yiri “SATUBDII LAKAL-AYYAAMU MAA KUNTA JAAHILAN :WA YA’TIIKA BIL-AKHBAARI MAN LAM TUZAWIDII”, maalmuhu waxay ku tusi doonaan wax aadan ka warqabin, wararkana waxaaba isaga kaa keeni cid aadanba u Dirsan.

    tan kale walaalahu ha la socdaan cajalkaan uu abuu mansuur hadda kaga sheekaynayo khilaafka waa mid ka horreeyey kii halka daqiiqo ee uu naftiisa khatar inay ku jirto uu ku sheegayo sida ka muuqata, WAXAANU LEENAHAY MARKA XAQ FEEDHO AYUU KA DILLAACEY.

  5. ALJAZAAU MINJINSICAMAL imisa imisaankadaaniri imisaase loodigay, soomaali waxay kumaahmaahdaa hadii waayeel taladii layeelilahaa waraabe ariga malayeen culumadii salafka oo naasixxinta hayd waayadii warkooda ladiidee halaga xaaxaabiyo ogaadana intuu cumar xamaami kashifay waxaakwayn inta qarsoon oo ilaahay swt kashifidoono

  6. Nimankaan waa kuwii diley muminiin badan oo massage_dii Eebbe ay igu cibaadaysanayeen ka soo baxay.

    Markan Alle ayaa qabtay qabashaddaasna kama baxayaan..

  7. wali la isma gaadhin .

    waa lagu yaqaanaa qolyahan markay umadda dhameeyaan inay aakhirka iyagu isku soo jeestaan .

    culimada soomaaliyeed qaybka ma oga laakiin cilmi iyo khibrad bay ku hadlayeen waxan oo dhan inay sidaa ku danbaynayso way sii sheegeen wayna ka digeen laakiin lama dhagaysan , abaalkoodiina wuxuu noqday cay aflagaado iyo layn .

  8. Salaamu laahi Calaykum

    waxaan salaamayaa marka hore walaalahey islaamka si gaara waxaan u salaamayaa Tafatirayaasha Halgan.net waxaana leeyahay ilaahay ha idin dhowro meel kasta oo aad joogtaan.

    Hadaan u soo noqdo cajalkan uu soo diray Cumar Xamaami wax cusub maaha koox kasta oo xadgudub la timaada sidaas baa u danbeyneysa waxaanse aad ula yaabay yuu u dacwoonayaa ma raga dhibtan uu ku jiro lahaa mise dadka xalka iyo wadanka leh oo leh culumo iyo aqoon yahay

    Culumadii Soomaaliyeed Shabaab waxay ka dhigeen mid ay dilaan mid ay qixiyaan iyo mid ay magacyo u bixiyaan balse shacabkii Soomaaliyeed baa maanta arkay kuna baraarugay gaalo afrikan ahna dalkii wa joogtaa oo iyagaa sabab u ah in ay sidaan u bataan oo dalka qeybsadaan .

    Xalka Soomaaliyee waxaa weeyey in nimankaa la iska dhiciyo dalkii iyo diintii waa rogeen culumadana la difaaco sida ay dr ahmed u dileen bay kuwa kale u dilayaan .

    ws

  9. Sw

    Walaalkay barakaale run baad sheegtay bale yaa waano qaadanaya cajiib balaayo abduuban oo jin iyo insi waxay yihiin aan la aqoon baa umadii rogtay war culumadiina ku faro adeyga

  10. Umada Islaamka Salaamulaahi calaykum war heedhe ninkaan wili ma nool yahay Cumar Xamaami in la khaarajiyey baanba u heystay marii hore oo uu soo qeyliyey.

    Khilaaf Muhaajiriinta waxaa ka daran tan Shabaab waxaana taas keenay fiqi iyo siyaasad xumada Godane iyo Ibraahim Afgani ee ha ka saarto .

  11. Salaamu Calaykum

    Salaanta Islaamka ka dib walee maalin walba waxaa soo baxaya wixii ay culumada Soomaaliyeed sheegi jireen Al-Shabaab iyo Muhaajiriin ha qeyliyaan waligooda iyagaa umadii Islaamka dhibay gaalana u soo horkacay umada uga cararay gaalo .

    Umada Soomaaliyeed ha ku baraarugaan Jawaasiista iyo Agentiga ka buuxa Shabaab xabada ku baabiyey shabaabkii daacada ahaa balse alle ayaa la xisaabtami doona wax badan ayaa soo bixi doona .Al amriki muxuu la qeylinayaa sow isaga iyo Al-shabaab ma oran anaga kaliyaa talada naga go,daa

Leave a comment

*