Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho

October 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa maanta Shirjaraa,id ku qabatay magaalada Muqdisho wuxuuna ka hadlay howlgallada ay Ciidamada huwanta ay ka wadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose iyo  fatahaadda Webiga Shabeelle .

Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad  ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay degan tahay waxaana uu baaq u diray dagaalyahanada Al-Shabaab isaga oo ugu baaqay in ay qoriga iska dhigaan nabadna qaataan .Col Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu intaas ku daray in ciidamada AMISOM  ay ilaalin doonaan hantida Shacabka.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad  ayaa waxaa kale uu ka hadlay fatahaadda Webiga Shabeelle iyo khasaaraha uu gaarsiiyey shacabka ku dhaqan B/weyne wuxuuna sheegay in ciidamada Jabuuti ay ee ka mid ah AMISOM ay ks qeyb qaadan doonaan gargaarka shacabka B/weyne.

Ciidamada Al-Shabaab ee ka baxay magaalooyinka Kismaayo iyo B/weyne ayaa sheegay in aysan ciidamada ku sugan B/weyne iyo Kismaayo aysan nabad ku joogi dooni waxaana goodigaas uu ka yimid shalay Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere)

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online