Afhayeenka Ururka Raaskambooni oo ka warbixiyey wafdi ka socda IGAD oo tagay Kismaayo.[Dhagayso]

October 17, 2012 - Written by

Kismaayo:-Afhayeenka ururka Raaskambooni C/nassir Seeraar ayaa waxaa uu ka warbixiyay wafdi ka socda  urur gobolleedka IGAD oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose mar uu wareysi siiyey galabta Laanta Afka soomaaliga ee Idaacada VOA-da.

C/naasir Seeraar Maax ayaa ka jawaabay dhac iyo dil la sheegay in ay geysteen ciidamada Huwanta ee ka saaray magaalada Kismaayo Ururka Al-Shabaab wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay mid been iyo dicaayad ah oo ay faafinayaan kuwa cadow ah oo diidana in ay is fammaan dadka ku dhaqan J/hoose iyo ciidamada qabsaday magaalada.

Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar Maax ayaa waxaa kale oo uu sheegay in wafdiga ka socday IGAD in ay la kulmeen masuuliinta DFS,saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa Ururka Raaskambooni la iskuna raacay wixii laga wada hadlay waxaa kale oo uu sheegay in Madaxada JFS ay ka warqabaan kuna jiraan in Maamul Goballeedka loo sameynayo goballada Jubooyinka .

Hoos Ka Dhageyso wareysiga VOA la yeelatay Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar Maax .

[audio:https://halgan.net/Mp3/Seraar17.mp3] Ama Halkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,019 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>