Beesha Leelkase oo uu shir xasaasi ah oo ku aadan dilka Sh.Dr. Axmed Xaaji uu uga socdo Gaalkacyo

October 31, 2012 - Written by

Gaalkacyo :-War haatan naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in galabta  ay shir xasaasi ah oo ku aadan dilkii allaha u naraxiistee Sheekh  Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ay iskgu yimaadeen Isimada iyo Nabadoonada beesha Leel kase .

Shirkaan ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin waxaan si weyn loo adkeeyey amaanka halka  uu ka socdo shirka. Kulnka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ku aadan dilka Sh.Dr.Axmed Xaaji Cabdi raxmaan raximahulaah lama oga ilaa inta uu socon doono shirkan.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta hadii alle idmo wax ka soo baxa kulanka insha Allaaah.

Halgan.net
Gaalkacyo

14 Comments so far

Leave a comment

  1. asc ilaah janadiisa haka waraabiyo sh dr axmed qof walba waa dhimanayaa laakiin asagu waa nasiib badnaa anaguna wa nasiib darnayn saas waxaaxn u lee yahay nin caalim nalagu hor gowracay intaas kabacdi shiikhu runtii waxuu ka dhintay umada somaliyeed kama dhiman qabiil kale ah laakiin nasiib daro waxa wadankeena ka jira ayaa sabab u ah ina reerkiisu isku howlo iyo inta kale oo khayrka jecel oo howsha wax ka qaadatay waxaa hubaa hadii reerkiisu ay iska fariisan lahaayeen inaan maanta waxba la heleen sh somalida oo dhan ayuu ka dhintay laakiin reerkiisu inay albaabada xirtaan wxaa sas u ah sheekha yaa dilay dhalinyaro somali ah oo ay waliba ehelnimo iyo wax walba oo dadka ka dhaxeeya ay ka dhaxeeyeen wcs

  2. Salaamu Calaykum

    Waxaan marka hore mahad balaaran u celinayaa Eebe weynihii soo saaray daalimiintii dilay iyo kuwii qeyb ka ahaa dilkii foosha xumaa ee Dr Ahmed Xaji C&raxmaan waxaan alle uga baryayaa in janadii fardowa geeyo.

    Waxaan marka Labaad u mahadnaqayaa walaalaha Maamula iyo wariyaasha Halgan.net oo ka dhabeeyey magaca ay sitaa iyaga oo halgan dheer iyo karti muujiyey waxaana ay qeyb weyn ka qaateen xaga saxaafada in umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuweena ku nool wadamada gaalada ay na soo gaarto xaqiiqda.

    Walaahi marna isma oran kumana fikirin wadaad salafi ah bay gowrici doonaan Al/Shabaab dhowr mar ayaan kula dooday walaalo aan isku magaalo joogno in qaraxyada iyo dilka rayidka aysan shaqo ku lahayn Alshabaab balse baaritaan iyo markaan eegay waaqica waxaa ii soo baxay wax umada gumaaday in ay yihiin amniyaadka shabaab waxaana kow ka ah dadka ay dileen Sh dr Ahmed xaji ,waxaa kale oo ay dileen saraakiil badan oo ka tirsanaa alshabaab sida ,bare cali bare ,dhaalibaan ,sh maxamed tahliil iyo kuwa kale.

    Beesha waxan ugu baaqaaa in ay qaadato mowqif adeg waxaan alle ka baryayaa in uu uga dhaafo intii aan difaaci jiray alshabaab aamiiiin

  3. alsalaama calaykum
    waxaan kula talinayaa beesha oo lagu yaqaan geesinimo iyo dulqaad inay qaataan go,aan soomaali iyo muslimiintaba qanciya ayna iska ilaaliyaan inay hoos u dhigaan dhiiga dr axmed sidaas waxaan kawadaa soomaalida waxaa lagu yaqaanaa inay qabiil ku wareegaalaysato oo ay aano doonato maadaama lagaranayo wiilasha yaryar ee geestay dilka maxaa yeelay mahayn leelkase oo qudha cida soo saaratay dadkii dilay ee waxaa jiray dad badan oo kale oo naf iyo maalba uhuray sidii loo soo saari lahaa cidii dishay sheekha hadaba waxaan ku talinayaa sheekh axmed kawaynaa nin qabiil iyo nin qoyse talad haka soka dhicina ee aan tiigsano ragii soo diray wiilasha yaryar sida [ina godane,xasaan xuseen ,xasan takar]iyo kuwa lamid ah

    aad ayaan ugu mahad naqayaa cid kasta oo gacan kagaysatay hawshaas adkayd

  4. As
    Beeshan oo looga bartay in ay kaadsiinyo leedahay, gardaradana aysan u adkaysan, koodii gar darana iska qabta (inta aan ognahay) waxaan ka rajaynayaa Maamulka Puntland in aan lagu khasbin in arinta Sheekha aan si sax ah loola dhaqmin oo ay markaas ka gilgishaan ileen xaq ayay u leeyihiin in cidii dhiiga sheekha gashay loo soo gacan galiyo oo ay markaas go’aan cad ka qaataan Cafis, Qisaas ama Diyyah. Shaki ayaa iiga jira arintaan ay igu abuurtay in aysan Puntland ilaa iyo hadda maamul ahaan uga hadlin natiijada baarista ee la soo bandhigay!!
    WC

  5. Asalaamu CWW- Beesha waxaan ka codsaneynaa hadii aanu nahay reer puntland, in ay soo saaraan bayaan wax u taraya ummadeena , waan hubaa iney soo saarayaan go,aan aanu ka faaideysano; Sheekhu wuxuu ka dhintay dhamaan reer p/L iyo Somaliweyn oo ka faaideysan-jiray , Alle weyne Janadii fardowsa ha ugu deeqo, Beesha Leelkasana iyo Dhamaan Umada Soamaliyeed Bedel khayr-qaba ha ugu deeqo.

  6. As w w beesha waxaa soo jeedinayaa in ay cafis u fidiyaan Sh dr Ahmed dad kii dilay alle ajir ka fishaan xaalad fidno lagu jiraa kuwa dilay laga badabaadiyo naar cismaan binu carfaan Radiya Oahu canhu markii la dilaayay asxaab wuxuu ku dhahay iga taga waxba yaan lay wasrdiyeen seef yaan daraaday loo qaadin

  7. sheekh axmed waxa uu kadhintay somali odhan beesha mowqif islamnimo iyo mid somali nimo ha qaadato

  8. Asalaamu calykum dhamaan muslimka odhan. waxaan beesha kula talin lahaa in Ilaahay ay u dhaafaan ciqaabtooda3. Ta ilaahay ayaa ka weyn. wiilashan waxay u badan yihiin dhalin yaro aan cilmi laheyn oo xaq daro galay.haday arintu noqoto revenge meelna gaari mayso.

  9. Waxaan Beshaan ka codsanaynaa hadaan nahay Reer puntland in ay khibrada iyo aqoonta ay u leeyihiin faldanbiyeedka ay gaysteen Allshabaab in ay ugu tabarucaan si loo helo dad 100 kor udhaafay oo birmageeta ah dadkii diley oo lagu tuhmamey allshabaab.

  10. Acw walaalayaa ilaahay waxaan ooga baryeynasto dhamaan muslimiinta oo dhan qaasatan Sheikh ladilay oo aydishay gacan ka xag daran waxaa ku talin lahaa in la isu naxariisto oo la isu turo si waxii qaldamay oo saxo walaalayaal

  11. asalaamucalaykum , beesha waan ka warsugaynaa oo ka hordhicimeyno go aankeeda . waxaase la ogsoon yahay in ay soo saartay bayaan ka dib dilkii shiikha bil godaheed , kuna cadaysay in ay hayaan cadayn in uuka dameeyey dhilkaas – alshabaab qeybta amniyaadka .

  12. Albaabada u fura shirka ,,sheikha kama dhiman leelkase ee somali oo dhan buu ka dhintay ,,allah janadiisa ha geeyo ,,halgan.net waxa uu noqday websiteka aan u booqasho badnahay arimahaas awgeed …

  13. beeshu waa inay qaadata goaan rasmi ah haday shireen waayo dr.wuxuu ahaa nin qaali ku ah dhaman shacabka dowlada puntland iyo somaliya beeshu hasmayso wixii karaankeeda ah oo kaga aadan dilkii drka

    • Asc. Walaal bashiir beeshu. Dab kale diyaar uma aha in ay huriso ilaahayna ka rajeyneynaa in ay san beeshu qaadan go’aan dab huris ah. Waayo dr ku waa dhintey maantana uma baahnin in cidkale soomaali kadhimato. Shiikhuna hada soonoqon mayo. Allah waxaan uweydiinaynaa in uu unaxariisto. Anigu waxaan ku talin intii lagu fakarilahaa WAx uun halla laayo miyaanay suuragal ahayn in lagu fakaro sidii wax loo nabadeyn lahaa.

Leave a comment

*