Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo soo gaaray Gobolka Hiiraan

October 31, 2012 - Written by

Hiiraan:-Ciidamo hor leh oo ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa ay gaareen magaalada Beledwey ne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo ciidamadaan ay ku biiri doonaa ciidamo  Jabuuyitaan ah oo ka tirsam AMISOM oo horay u joogay Gobolka Hiiraan. Ciidanka Jabuuti ee  soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay noqonayaan Dufacdii Afraad oo ay dowllad Jabuuti u soo dirto dalka Soomaaliya si ay u taageeraan DFS.

Ciidanka dalka Jabuuti oo watad gaadiid dagaal iyo hub kale duwan ayaa waxaa ay xoojiyeen ciidamo Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan ah oo iyagu horay u sii joogay Gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFS ee Gobolka ayaa waxaa ay saxaafada u xaqiiyeen in ciidamo ka socoda dalka Jabuuti ay soo gaareen Gobolka Hiiraan iyagoo ka qayb qaadan doona sugida amaanka xarumaha  iyo Saldhiga magaalada.

Magaalada Beledweynayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka tali jireen ciidanka Al-shabaab oo ay ka qab sadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan wallow weli ay ka dhacaan weeraro lagu qaado ciidanka DFS iyo xarumahooda.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,174 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>