Ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo gudaha u galay magaalada Kismaayo

October 1, 2012 - Written by

Kismaayo:War hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose  ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Raaskaambooni iyo ciidanka dalka Kenya iyo ay bilaabeen in ay gudaha u soo galaan magaalad Kismaayo wallow ay labo jiho ka soo galeen magaalada  dhinaceeda Waqooyi iyo Galbeed.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalad Kismaayo ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ay ciidamo ka tirsan kuwa Raaskaambooni ,ciidanka Kenya iyo kuwa DFS ay arkeen iyagoo dhex soconaya magaalada walow dadku ay aad uga taxadarsan yihiin oo ay ku sugan yihiin guryahooda iyo gooba hooda ganacsiga.

Ciidamada huwanta oo wata gawaari Tikniko ah ayaa waxay haatan ku sugan yihiin xaafadaha Faanoole ,Calanley, Guulwade  waxayna xireen dhamaan wadooyinka la iska gudbo xaafadahaas  waxayna haatan u ruqaansadeen xaafada Farjano. Waxaa laga maqlayaa maagaalada Kismaayo Rasaas ay kor u ridayaan ciidamada maanta gudaha u soo galay magaalada ilaa haatan wax iska caabin ama dagaal ah lama soo sheegin balse waxaa la wada dhowrayaa wixii soo kordha.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online