Dekedda iyo airport Kismaayo oo dib loo furay iyo Maamulkii KMG oo shaqo bilaabay

October 16, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta dib loo howlgaliyey Dekedda weyn ee magaalada Kismaayo iyo airport magaalada  oo ay gacanta ku hayaan ciidamada huwanta.

Dekedda iyo airport magaalada Kismaayo ayaa in mudo xirnaa ka dib markii ay ciidamada huwanta ay duulaan ku soo qaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab .

Waxaa kale oo maanta si rsami ah u howlbilaabay Maamulkii ku meelgaarka ahaa ee laga dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 

Hoos ka Akhris Maamulka KMG ee J/hoose

Sheekh Axmed Madoobe———–Gudoomiyaha guud ee golaha sare
Yaasiin Nuur(Raadeer)———————–Gudoomiye ku xigeen

Madaxda gudiga amniga………….Maxamuud Qaalib
Madaxa gudiga dhaqaalaha……….Cabdullaahi Xadhuun
Madaxa Arimaha Bulshada………..Cabdullaahi khaalid
Madaxa Arrimaha samafalk……….Macalin Xaashi

Dhanka kale waxaa ka jira gobalka J/hoose dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Al-Shabaab  waxaana lagu arkay ciidamo uu horkacyo Sheekh Maxmed Dulyadeen oo ka mid ah saraakiisha Ururka Al-Shabaab deegaanka Goobweyn ,waxaa kale oo ciidamo daacad u ah Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Beerxaani oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Kismaayo.

Ciidamada huwanta ayaa iyagana sidoo kale wada dhaqdhaqaaq ciidan iyaga oo ciidamo ku hubeysan Tikniko saaka soo dhoobay wadad ka baxda magaalada Kismaayo ee aada dhanka Muqdisho ilaa haatan ma jiraan wax dagaal ah dhacay.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online