Dowladda Philipine iyo jabhaddaba Islaamiga ah ee Moro oo gaaray Heshiiyay hordhac ah

October 15, 2012 - Written by

Philipine :-Xukuumadda Philipine iyo jabhaddaba Islaamiga ah ee dagaalka gooni-goosadka ah ka waday koonfurta dalkaasi mudddada tobbanaanka sanno ah ayaa kala saxiixday heshiis horudhac ah oo qeexaya talaabooyin lagu dhameynayo colaadda u dhaxeysa labada dhinac ugu danbeyn sannadkan 2016-ka.
Madaxweynaha Philipine, Benigno Auino iyo guddoomiyaha ururka xorreynta Islaamiga ah ee Moro, Murad Ebrahim ayaa goob-joog ka ahaa xafladda saxiixa heshiiskan oo maanta oo Isniin ah lagu saxiixay aqalka madaxtooyada.
Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiskan uu sharxayo inta ay le’eg tahay awoodda, dakhliga iyo dhulka koonfurta dalkaasi ku yaalla, oo la filayo in laga yagleelayo gobol cusub oo maamul hoosaad leh oo Muslimiintu ay yeeshaan oo lagu magacaabo “Bangsamoro”
Ajandaha ama qodobada heshiiskan oo jabhaddan lagula galay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malesia bishan gudaheeda ayaa wuxuu abuurayaa golle KMG ah oo ka kooban 15 xubnood, kuwaasoo haysta ilaa sannadka 2016 si uu u diyaariyo sharciyada lagu dhisayo gobolka cusub ee Muslimiintu yeelanayaan.

VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online