Faahfaahin Weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan Kenya oo ka dhacay Magaalada Mombasa

October 17, 2012 - Written by

Mombasa:-Waxaa isa soo taraya khasaaro ka dhashay weerar maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan Booliska dalka Kenya kuwaas oo howlgal ka waday magaalada Mombasa waxaana lagu weeraray laba Bam oo kuwa gacanta laga tuuro ah .Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay Ugu yaraan  10 askari oo ka tirsan ciidamada Booliska waxaana dhaawacoodu uu aad u liitaa 2 ka mid ah ciidamadii la weeraray .

Taliyaha ciidanka Booliiska ee magaalada Mombasa Aggrey Adoli  ayaa  sheegay in Askarta Booliska ah ee laweeraray ay u socdeen guri ku yaala Likoni oo ah xaafad ka tirsan Mombasa ka dib markii ay ka warheleen in halkaas uu hub yaalay laguna diyaarinayey weeraro ka dhan ah amaanka magaalada Mombasa.

Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Mombasa Mr Adoli ayaa sheegay in markii ay gareen guriga agtiisa lagu bilaabay Booliska tacshiirad iyo Bamka gacanta laga tuuro ka dib uu ka dhashay dhaawac 10 askari oo Boolis ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Aga Khan.

Mr.Aggrey Adoli  Taliyaha Booliska ee magaalada Mombasa ayaa waxaa uu sidoo kale saxaafada u sheegay in ay dileen 3qof oo ku jirtay guriga ayna gacanta ku soo dhigeen hub ay ka mid yihiin Bistoolad ,qori ah nooca AK 47 , rasaas iyo laba bamba gacmeed iyo qalab kale .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online